Qadar & Imaaraadka Carabta oo hardan ugu jira Illaha dhaqaalaha Somalia(Yaa Guuleysan?)

Dowladaha Imaaraadka carabta iyo Qadar ayaa ku xifaaltamaya sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan illaha dhaqaalaha dalka,waxayna siyaasad mug weyn ku leeyihiin xaaladda Soomaaliya.

Xiriirka Siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xumaanaya ka dib markii dhawaan Xildhibaanada Baarlamaanka ay ansixiyeen Xeer dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World ee fadhigeeda uu yahay magaalada Abuu Dubia.

Dowladda Qadar ayaa xiriir dhow oo wanaagsan la leh Madaxda Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo fure u ah wax kasta oo Dowladda Qadar ay ka yeelato Soomaaliya.

Sidoo kale,Imaaraadka Carabta ayaa bilowday ineymaalgeliso Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Dowladda iyo Xildhibaano si weyn u mucaaraday Siyaasadda Dowladda gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Sidoo kale,Imaaraadka Carabta ayaa si weyn ugu lug leh siyaasadda waxaana dalka jooga Ciidamo Soomaaliya oo tababar iyo dhaqaalo ka hela Imaaraadka kuwaasi oo danahooda fuliya.

The post Qadar & Imaaraadka Carabta oo hardan ugu jira Illaha dhaqaalaha Somalia(Yaa Guuleysan?) appeared first on .


Source: Warqaad

Leave a Reply