Dowladda Qadar oo shaacisay Qorshe farxad gelinaya Soomaaliya kana careysiinaya Imaaraadka Carabta

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso taageerada ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib kulan magaalada Doxa ku yeeshiin Amiirka dalkaasi iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

“waxaan sii wadi doonaa taageerada Soomaaliya, jiritaankeeda iyo weliba dhinaca deganaanshaheeda”sidaasi waxaa yiri Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani .

Horaantii bishan ayaa waxaa saraakiil ka tirsan dowladda Qatar ay u sheegeen Wakaaladda Wararka ee Reuters in ay Soomaaliya ugu deeqeen 385 Milyan oo Dollar, taas oo wax loogu qabanayo dibu u dhiska dalka,waxbarashada iyo arrimaha gargaarka bani’aadinimo.

Taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa timid, kadib markii dowladda federaalka ah Soomaaliya ay dhex dhexaad ka noqotay muranki dalalka Khaliijka Carabta.

Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan joojisay taageeradii aysiin jirtay Ciidamada DFS, kadib markii shirkadda DP world loo diiday in ay ka howlgasho Soomaaliya.

The post Dowladda Qadar oo shaacisay Qorshe farxad gelinaya Soomaaliya kana careysiinaya Imaaraadka Carabta appeared first on .


Source: Warqaad

Leave a Reply