ku dhawaad 10 qof oo ku Geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay Soomaaliland.

Hargeysa-KNN-Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badanna waa ku dhaawacmeen shil Baabuur oo ka dhacay deegaanka Toon ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa Xarunta Soomaaliland.

Shilkan ayaa dhacay kaddib markii gaari waaraad ah oo siday dad iyo raashin isla markaana u socday deegaanka Sanqoolle ee xuduudka Somaliland iyo Itoobbiya uu qallibmay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacyada qaba ayaa waxaa ku jira kuwa ay xaaladooda aad u liidato waxaana la dhigay Isbitaalo ku yaalo Soomaaliland sida uu soo sheegayo Wariyaha Idaacadda Kulmiye ee deegaanada Soomaaliland.


Source: radio kulmiye

Leave a Reply