Home WARARKA War deg deg ah Qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Muqdisho.

War deg deg ah Qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Muqdisho.

49
0
Somali government soldiers seen at the entrance of the SYL hotel in Mogadishu on December 11, 2019. - An attack by members of the radical Islamic group Al Shabab against a hotel in downtown Mogadishu killed five people on December 10, 2019, including three civilians and two members of the security forces. (Photo by Abdirazak Hussein FARAH / AFP) (Photo by ABDIRAZAK HUSSEIN FARAH/AFP via Getty Images)

Magaalada Muqdisho ayaa caawa laga dareemayaa xaalad cabsi ah kadib markii dhawaqa qaraxyo waaweyn iyo Rasaas laga maqlayo magaalada.

Koox qaracyo sidata ayaa weerar ku qaaday Hotel SYL oo ku yaal aaga Madaxtooyada deegaan aad loo ilaaliyo waxaana wali socda israsaasayn ilaa hada soo saacadu 12ka seqda dhexe ku dhowday.

Waxaa la soo warinayaa in ay jirto dhimasho sidoo kale dhaawacyo Masuuliyeen Warbaahineed iyo saraakiil ciidan oo dhaawacooda la xaqiijiyay waxaana ka mid ah Xasan Cadde Maamulaha Tv-ga SMS ee magaalada Muqdisho kuyaal wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiil iyo mas,uuliyeen dowladeed halkaasi ku dhaawacmeen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jiray nabadgalo ilaa sanadkii la soo dhaafay balse waxaa markale bilowday wal wal amniximo iyo weeradii hoteelada oo dadku ay sii ilaawayeen.

dadka reer Muqdisho ayaa shaki ka qaba in kooxda alshabaab ay kaalmaynayaan siyaasiyiin mucaarad ah oo horay wadanka uga soo qabtay xilil sarsare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here