Ciyaar yahan Da’yar Soomaaliyeed oo ka soo muuqday Kubada Cagta Norwey DAAWO (VIDEO+SAWIRO+WARBIXIN).

Xasan Cusmaan Xasan (Xasan Gurle) waa Ciyaar-yahan da’yar Soomaaliyeed, Degan Magaalada Bergen ee Dalka Norwey,  Xasan Gurle wuxuu ku dhashay Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Ciyaar-yahankan Da’da yar Soomaaliyeed oo runtii la oran karo waa Mucjiso ka soo muuqday Kubada cagta ayaa u ciyaara Kooxda Varegg FC oo ka dhisan Magaalada Bergen Caasimada labaad ee dalka Norwey.

Dadka daraaseeya Arrimaha Isboortiga ayaa ku tilmaameen Xasan Gurle inuu yahay Mucjiso firfircoon kana ciyaara garabka Bidix weerarka, halka waqtiyada qaarna Lambarka 9-aad laga ciyaarsiiyo.

Ciyaaryahankan da’da yar ayaa dhawaan waxaa loo aqoonsaday inuu yahay ciyaaryanka bishii Juni ee sanadkan 2015, kagadaal markuu soo bandhigay Kubado aad u qurux badanaa tartan ay ka qeyb galeen Dalalka Ajaanibta, isagoo matalayay xulka Qaranka Soomaaliya kuwaa oo gaba gabadii Tartankaasi ku guuleysteen.

Mar aan kula kulmay Garoonka Kooxda Varegg FC ee  Stemmemyren Kunstgress xili uu ka soo laabtay Tartan ciyaareedka sanad  laha ah ee Dana Cup kaasoo si fiican ay u yaqaanaan bulshada ku nool Qaarada Yurub, waxaana sanad waliba marti gelisa Dowladda Denmerk wuxuuna kala qeyb qaatay Kooxdiisa.

Xasan Gurle ayaa ii sheegay inuu ku rajo ween yahay inuu mar uun matalo Xulka Qaranka Soomaaliya, isla mar ahaantaana u ciyaaro kooxo heer Caalami ah, hase yeeshee xiligan uu u baahan yahay garab istaag, si uu  u meel mariyo mowqifkiisa ku aadan Kubada Cagta.

‘’Aad iyo aad ayaa ugu han weynahay in aan Mar uun Matalo Xulka Qaranka Dalkeyga Hooyo Soomaaliya….Si taas la mid ah waxaan ku rajo weenahay in aan ka soo muuqdo Kooxo Heer Caalami ah..’’ ayuu yiri Xasan Gurle xili ay ka muuqatay Farxad aad u sareysa oo ku aadan Xirfadiisa Ciyaareed ee Kubada Cagta.

Si kastaba ha ahaatee Ciyaar yahankan Da’da yar Soomaaliyeed ee ka soo dhex muuqday Kubada Cagta Norwey gaar ahaan gobolka Hordland ayaa ahayn midkii ugu horeeyey, laakiin qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ayaa aaminsan inuu yahay mid ka mid ah Mucjiada Kubada Cagta da’yarta Soomaaliyeed, isagoo soo hoyay Bilado kala duwan tartamadii kala duwanaa ee uu ka qeyb galay sida ka muuqata Sawirada Hoose.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA XIDIGA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYEED.

20084_10152962020172957_942530736605858984_n

10352036_10152962028312957_612534944664069300_n

10632838_10152962028997957_7747303581848227806_n

11787400_1679463238858824_1908163275_n

11798191_1679462158858932_1315567384_n

11798368_1679463242192157_2141072052_n

11805930_1679462728858875_1330663687_n

11815806_1679462142192267_1254696742_n

11815978_1679462718858876_1119240011_n

11816015_1679469492191532_1018702475_n

11823742_1679462152192266_1180323516_n

11823746_1679462145525600_609898796_n

11830807_1679462725525542_1517737538_n

11806860_1679471982191283_489861674_o

11827126_1679471972191284_2062547202_o

HALKAN HOOSE KA DAAWO GOOL SI CAJIIB AH U DHALINAYO CIYAAR YAHAN XASAN.

Waxaa Diyaariyey: Wariye Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey)

Email: baastey11@hotmail.com

Bergen-Norwey.

 

 

Leave a Reply