logo

Amisom Oo La Sheegay In Si Ulakac Ah Ay Ugu Dishey Dad Rayid Ah Dalka Somaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa ay ku sheegtay in ciidamada AMISOM ay si ula kac ah dad rayid ah ugu dileen magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

 

Warbixintaan oo aad u dheer hay’addu waxay ku sheegtay in maalintii ugu dambeysay bishii lasoo dhaafay ee July gaadiid ay wateen ciidamada Uganda oo marayay xaafadda Ruusiya la yiraahdo oo Marka ku taala in qarax lala eegtay markaa kadib ay guri guri u galeen guriyaha xaafadda.

 

Hay’addu waxay sheegtay in dadka magaalada Marka ay u sheegeen in ciidamadu galeen guri ay degen yihiin qoyska reer Macalin Iidey oo magaaladaas caan ka ahaa kuwaasoo dhiganayay xaflad aroos kadib waxay kala saareen raggii iyo dumarkii xaflada ka qeyb qaadanayay.

 

“Lix ruux oo 5 isku qoys yihiin sida Aabe iyo 4 wiil oo dhalay iyo adeerkood ayay toogteen, 4 ka mid ah isla goobta ayay ku geeriyoodeen midna asagoo dhaawac ah ayaa inta uu sariir hoos galay muddo kadib ku geeriyooday halka Aabihii qoyskaas oo la oran jiray Allaha u naxariistee Macalin Iidey uu habeenkii u geeriyooday dhiig bax kadib markii ciidamadu diideen in xarun caafimaad la geeyo” ayaa lagu yiri warbixinta Human Rights Watch ay soo saartay.

 

Qof ka mid ah dadka xaafadda Ruusiya ayaa xubno ka tirsan hay’addaan u sheegay in ciidamada dadkaan rayidka ah dilay ay muddo u xirneyd xaafadda gaar ahaan guriga reer macalin Iidey oo ay diideen in meydkadka laga qaado .

 

Magacyada dadka ay ciidamada Uganda ee AMISOM qeybta ka ah ku dileen guriga ku yaala magaalada Marka waxaa ka mid ahaa Macalin Iidey Xayle, Cumar Macalin Iidey, Yuusuf Macalin Iidey oo Biikole looga yaqaanay magaalada Marka Xuseen Macalin Iidey Siid Cali Macalin Iidey iyo Aweys Xasan Xuseen oo ku magac dheeraa Xamarow.

 

Haweeyney u hadashay hay’adda u dooda xaquuqda Aadanaha oo la yiraahdo Maria Burnett waxaa ay ku eedeysay ciidamada Uganda inay goob farxadeed u badaleen goob murugo oo dhiig qul qalayo.

 

Haweeneydaan waxaa ay sidoo kale sheegtay in dadka ku nool magaalada Marka ay kala firxadaan marka ay qarax maqlaan sababtoo ah naftooda ayay kala baqaan ciidamada AMISOM.

 

“Ururka midawga Africa waa uu inoo sameeyaa baaritaan dhamaystiran oo lagu qanci karo si ay meesha uga baxdo mad madowga ay galiyeen dadka Marka lagu dilay” ayay tiri Maria Burnett oo Human Rights Watch ka tirsan.

 

Taliska AMISOM war saxaafadeed uu soo saaray horaantii bishaan waxaa uu iskaga fogeeyay in ciidamadooda ay dad rayid ah Marka ku dileen taas badalkeedana waxaa uu talisku eeda dusha ka saaray dagaalamayaasha Al-Shabab.

Magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose oo gacanta dawlada iyo AMISOM soo gashay sanadkii 2012 dhawr jeer ayay ciidamada AMISOM ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Sidoo kale dhawaan ciidamada Ethiopia ee iyana AMISOM qeybta ka ah ayaa iyana tuulada Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ku dileen dad rayid ah oo doonayay inay ka qeyb aaska qofka ehelkooda ah oo tuuladaas ku geeriyooday.

 

Maria Burnett waxaa ay aaminsan tahay in haddii aan wax laga qaban dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee ay geysanayaan ciidamada AMISOM inay wax u dhimayso mustaqbalka ciidamada midawga Africa Soomaaliya ka jooga.

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply