logo

Sirta moshinka Xasan iyo xiligan waxa keenay

Mooshinka xilligaan la keenay maxaa loola jeedaa? Dalku wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah oo ah kala guur u baahan in lagu dhaqo xikmad iyo miisaan lagu qiyaasi karo sidi looga mira dhalin lahaa waqtiga soo socda. Waxaa na soo haya xilli ay dowladdu dheceyso loona baahan yahay sidi loo badbaadi lahaa guulaha ay gaartay dowladdaan, laakin mooshinka waxaa lagu tilmaami karaa xikmadi ahayكلمة حق يراد بها باطل oo micnaheedu yahay waa tallaabo xaq ah laakin xumaan loola jeedo.

Arrintaan waxaa ka dambeeya kooxo isbaheystay oo qaswadayaal ah oo garbasaar qabyaalad hugsan, raadinayana inay burburiyaan horumarka yar ee uu ku tallaabsaday dalka iyo mashaariicda ka socota Xamar, waxayna raadinayaan inay dowladdu dunto, meeshuna ay fowda noqoto oo lagu kala cararo.

Xildhibaanada badankooda waa kuwo aqoontoodu aad ay u hooseyso   garaadkooduna yar yahay…bal tusaale aan u soo qadanno Xoosh Jibriil oo la yiri wuxuu soo bartay sharciga ( law), laakin nasiib darro waa ku fashilmay oo waxaa khasab ku noqotay inuu Kanada ka noqdo taksiile oo ugu dambeyntii shatigiisi xataa laga qaaday sababo aanaan jecleyn inaan sheegno. Maanta wuxuu ka mid yahay barlamaan ay Somali leedahay, markaasuu wuxuu ku dhacay khalad aan laga fileyn qof sharci bartay kaddib markuu isaga iyo jamaacadiisa is-eedeeyeen, qirtayna in muddo LIX BILOOD ah ay ka shaqeynayeen MOOSHINKA laga keenay Madaxweynaha…war aaway shaqadi ummaddu idinka sugeysay ood ku qaadatiin mushahar aan midkiina weligii ku riyoon?!

Haddaba, xildhibaannada mooshinka dabada ka riixaya maxay rabaan? Sida muuqata hadafkoodu ma ahan dan Somaliyeed iyo hagaajin dowlad ama badbaadin dal burbur ka soo kabsanaaya.

Haddii dowladdu ay meesha ka baxdo yaa dalka gaarsiinaya doorashada la wada sugaayo? Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu ku gefay inuu Godax Barre wasiir ka noqdo dowladda, waayoo waxa jira mathal carabi ah oo dhahaya:

اذا كرمت الكريم ملكته واذا كرمت الئيم تمرد

Oo micnaheedu yahay haddii aad karaameyso qof kariim ah adaa yeelata laakin haddii aad karaameyso mid lai’im ah waa kugu caasiyaa…Godax Barre uma qalmo darajooyinka uu soo qabtay, waana gefafka uu galay Madaxweyne Xasan Sheikh, Allaha ka cafiyo.

Kuwa dhuumanaya ee dhabarku muuqdo inaan la ogeyn ayey u maleeyaan, waxaana lagu eedeyn karaa inay wadaan khayaano qaran oo ay rabaan inay dumiyaan dalka oo dhan si ay cadaw gacanta ugu geliyaan, waayoo xilligaanu ma ahan xilli mooshin laga keeno Madaxweyne wax dembi ah uu galay, oo horseedi kara tallabadooda,kuma cadda warqadda ay gudbiyeen. Warqadda Mooshinka waxay ku xuseen arrimo guud oon wax culeys ah ku lahayn howsha dowladda. Haddaba, maxaa la gudboon ummadda Somaliyeed siiba dadka Xamar ku nool oo mathala ummadda oo dhan haddii laga reebo hal gobol?!!!

Dadka Xamar ku nool oo dhan waa inay soo baxaan oo cududooda muujiyaan ayna caddeeyaan inay ka soo horjeedaan xildhibaannada hunguri doonka ah oo raba guulaha la gaaray inay inkiraan oo xayiraan si ay lacag laaluush ah uga qaataan Xasan Sheikh. Mudane Madaxweyne, gacanti aad kuwaas laalulsh ku siiso ha ka go’do. Waxaa kuu bannaan inaad adeegsato awooda dustuuriga ah eed heysato kuna soo oogtid, kuwooda qaswadayaasha ah oo aan hubo inaad si fiican u taqaanid, in laga xayuubiyoo xasaanadda, xabsigana la dhigo iyagoo ku eedeysan qaran dumis.

Waxaa loo baahan yahay xilliga hadda la maraayo in dowladda ay adeegsato awoodeeda dustuuriga ah ee badbaadinta dalka laguna dhawaaqo xaalado deg-deg ah si loo yareeyo dhibaatada ay keeni karaan dicaayadaha soo kordhaaya oo dowladda iyo madaxda dalka lagu af-lagaadeynayo laguna eedeynayo waxaan jirin oo ku-tiri-ku teen-ah.

sidoo kale waxaa loo baahan in tallaabo laga qaado kuwa sheeganaya Xisbiyo siyaasi oon sharciyeysneen, oo faafinaya dicaayado ka soo horjeeda dowladda, waana in laga mamnuucaa inay caasimadda ka howl galaan mar haddii ay ka shaqeynayaan dhibaato iyo dad isku dir. Waa xilli u baahan in la helo dad aad iyo aad u adadag oo la jaan qaadi kara mu’aamarooyinka la soo maleegaayo oo ka soo horjeda danta dalka iyo dadka..talyaaniga wuxuu yiraa QUANDO IL PERCORASO E’ DURO SOLO I DURI RIMANGONO.

 W/Q: Ali Mubarak

ali_mubarak1@outlook.com

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply