Goorta la ansixinayo dastuurka rasmiga ah.!

Wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha Dastuurka dalka u yaalla.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ballanta ay ahayd in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka KMG ah, inkastoo uu jiro gaabis yar, balse waxa uu tilmaamay in lagu guuleystay in la dhiso guddiga madaxa banaan ee Dastuurka, iyo in la dhameystiro guddiga la socodka baarlamaanka ee Dib u eegista Dastuurka, loona sameeyay wasaarad u gaar ah Dastuurka si howsha loo dardar geliyo.

“Runtii Dastuurkan Soomaaliya sida aad la socotid sanadkii 2012-kii waxaa jiray arrimo badan markii la ansixiyay oo ay ka mid ayihiin arrimo badan oo aan la xalin Dastuur ahaan sida uu u ekaanaayo xiriirka u dhaxeeynaya dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada, sida loo wadaagayo qeyraadka iyo canshuuraha, arrimaha quseeya matalaadooda shacabka, sida uu noqonayo qaab dhismeedka iyo arrimo kale oo waxtar leh ayaa go’aan ka gaarsitooda loo daayay si wax looga qabto mustaqbalka”

“Dastuur ahaan waan leennahay, Dastuurka waxaa lagu heshiiyay in dowladda imaanaysay 2012-kii lagana baxo KMG-kii, dowladi wey timid, waana laga baxay KMG-kii,  Baarlamaankii iyo xukuumadda markaas imaan doonana waxaa lagu heshiiyay in ay dib u eegis ku sameeyaan Dastuurka hadda jira, ma ahan mid hadda lasoo bilaabayo, laakiin ballanta ayaa ahayd in dib u eegis lagu sameeyo, wallow uu gaabis yara jiray oo ah in aanay howlihii mar hore waxba laga qaban Daruufo jiro awgood, laakiin hadana dowladda waxa ay ku guuleeystay in la dhiso guddigii madaxa banaanaa ee dib u eegista Dastuurka, in la dhameystiro guddiga la socodka baarlamaanka ee dib u eegista Dastuurka iyo gaar ahaan xukuumaddii ugu dambeysay ee mudane Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo u sameeyay wasaarad u gaar ah arrimaha Dastuurka si loo dardar geliyo howsha, marka bishii February laga soo billaabo waxaa aad loo hormariyay sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha dib u eegista Dastuurka taas oo lagu dadaalay in guddiga la socodka baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan iyo wasaradda ay wada saxiixdaan heshiis is afgarad bishii March 8-deedii 2015-kii illaa iyo haddane ay ku howlanaayeen sidii loo hormarin lahaa, waxaana ugu dambeyntii suurta gashay in shirkii lagu qabtay magaalada Muqdisho ee madashii wada hadalka ay heerkastana ahayd aan geynay jadwal waqtiyeeysan oo laga billaabo bisha August illaa bisha March qaabka uu noqon doono iyo habka loo marayo dib u eegista, Jadwalkaasi oo annaga iyo guddiga la socodka baarlamaanka howshiisa tahay qeybaha Dastuurka iyo kuwa dib loo eegayo qodobadiisa, iyo guddiga madaxa banaan oo ku shaqo leh oo cilmi baaris iyo baaritaan ku sameeyaan qodobada aan ku wada shaqeynayno, jadwalkaas ayaan marka wada sameynay, maanta xubnhihii guddiga madaxa banaan Xamar ayeey ku sugan yihiin, sidoo kale guddiga la socodka Baarlamaanka, gudoomiye Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha dhowr shir ayaan ayaamahaan galnay, waxaa inoo suurta gashay shalay oo Khamiis ahayd in jadawalkaasi aan u bandhigno golaha wasiirada ayna si weyn usoo dhaweeyaan” ayuu yiri wasiirka Dastuurka.

Wasiirka ayaan weydiinnay sababta keentay in Dastuurka uu xilligaan soo gaaro iyo waxa inta badan keenay in hakad uu galo howlihii laga hayay.

“Anaga waxaan ka hadli karnaa waqtiga aan joogno waana kuu sheegay, tan kale waqtiyadii hore guddiyada qaarkood ma aanay dhisneen, guddiga la socdo baarlamaanka waxaa la sameeyay xukuumadii naga horeysay Bishii December sanadkii hore, guddiga madaxa banaanna sanadkii hore ayaa la sameeyay, marka waxaa suurta gashay in xukuumadda Cumar Cabdirashiid markii la dhisay la dadar geliyo howlahaasi oo dhan, hadda waa waqtiyeeysan yahay, Dastuurka runtii ma ahan Dastuur cid gaar ah u daneynaya, waxaana jadwalka aan soo bandhignay yahay in ay ka wada qeyb qaataan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, waxaa la sameyn doonaa shirar wada tashi ah oo laga sameyn doono dowlad gobaleedyada iyo gobalada dalka laga billaabo bisha soo socota illaa bisha November, marka ay shirarkaasi wada tashiga ah la sameeyo shirweyne qaran ayaa lagu sameyn doonaan hadii Ilaahay Idmo magaalada Xamar, oo shirweynahaasi waxa uu dhici doonaa bisha December 2015, Dastuurkana Daraftigiisa ugu horeeya in la geeyo Baarlamaanka sanadkaan aakhirkiisa, bisha March 2016 uu ansixiyo Baarlamaanka, inta kahoreysana qodobada qaarkood ee siyaasadda ku saabsan sida qeybsiga kheyraadka Dabiiciga, maamul gobaleedyada noqon doonaan waxaa wada hadallo siyaasadeed lagala geli doonaan dowlad gobaleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed intiisa kale, waxaana billaaban doona sida bisha September oo kale hadii noo dhamaado markii aan wada tashi la sameyno dowlad gobaleedyada, ururada bulshada, dadka oo dhan wacyigelintii dadweynaha iyo waxbarashada madaniga oo warbaahinta dalka iyo qeybaha kala duwan lagala qeybqaadan doono”

Wasiirka Dastuurka ayaan weydiinnay sidoo kale su’aal ku aadaneyn suurta galnimada inay jiraan dad badan oo ka shakisan Dastuurka una baahan in fasiraad dheeraad ah laga siiyo.

“Dastuurka waa uu qoran yahay waxa laga hadlayo waa qodobada u baahan siyaasadda, sida awood qeybsiga, kheraadka qeybsigooda, xiriirka maamul gobaleedyada iyo dowladda dhexe sida uu noqonayo, waxyaabahaasi oo dhan bulshada oo dhan ayaa laga wada qeybgalsiin doonnaa, marka anaga shaqadeena waxaa oo kaliya isku xirka iyo fududeynta howlaha, guddiga madaxa banaan iyo kan la socodka baarlamanaka ee Dastuurka ayaa howshooda inta badan gudaha u geli doona, baarlamaanka ayaana ansixin doona, ka dibna codka ugu dambeeya waxaa yeelan doona shacabka Soomaaliyeed, taas oo la sameyn doono waqtiga ku haboon oo xaaladda ay suurta galayso marka codka ugu dambeeya shacabka Soomaaliyeed ayaa yeelan doona, anaga xukuumadda waxay kaliya xaqiijineysa sida umadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan oo dhan, culima’udiinka, Oday dhaqameedyada, Haweenka, dhalinyarada, ururada bulshada ay uga wada qaadan lahaayeen, taasi waa ballan, hadii uu alle idmo waxaan xaqiijineynaa in bisha December  laga billaabo in qeybahaas kala duwan dhan ay ka wada qeybqaadan doonaan, oo gobalada dalka oo dhan intooda badan la tagi doono, barnaamijkaas ayaan soo bandhignay, isaga oo rasmi ahna dadweynaha ayaan usoo bandhigeynaa.

Wasaaradda Dastuurka waxaa u qorsheesan in dastuurka ay geeyaan meello badan oo ka mid ah gobalada Dalka Soomaaliya si tashi looga soo sameeyo, hadaba waxa aynu weydiinnay wasiirka su’aal kale oo ahayd in dadka ku howlan arrimahaan ay culeyska badan ay kala kulmayaan dhanka siyaasadda, walibana keeni kara culeys.

“Dastuurka waa heshiis bulshadeed, annaga runtii kama shaqeynayno arrimaha siyaasadda iyo wax la mid ah, waxaan ka shaqeynaynaa waa heshiis bulshadeed, umadda Soomaaliyeed oo dhan waxaan u maleynayaa inay ka wada mideysan tahay, xiriirka naga dhaxeeyana dowlad gobaleedyada aad buu u sareeyaa, aniga aan kula hadlayo mudada lixda bilood ee aan xilka hayo Afar jeer ayaan tagay Puntland oo xiriir fiican nagala dhaxeeya, Laba jeer waxaan tagay Jubbaland waxaan tagay Laba jeer Galmudug, taasna waxaad ka qiyaasi kartaa muddi Lix bil gudahooda inta booqasho aan ku tagay, waa heshiis bulsho, waa wada hadal bulshadadeed, umadda Soomaaliyeed ayuu ka dhaxeeyaa, waana hubnaa in umadda Soomaaliyeed ay diyaar tahay”

“Aniga sida hadda ii muuqato maadaama uu heshiis bulshadeed yahay, umada waxa ay ku wada heshiisay yahay, hadii aysan jirin wax qarsoodi ah, aan diyaar u nahay meel walba inaan geyno oo magaallo walba la tago maalmana lasoo joogo wada tashigana dadka laga wada qeybgalsiiyo, hadda ugu horeysa waxaan qaban qaabadiisa ku jirnaa anaga oo la kaashaneyna Labada guddi inaan magaalada Muqdisho ku qabanno shir ay isugu imaanayaan NGO-yada ka shaqeeya arrimaha ku saabsan Dastuurka kaasoo ay kasoo wada qeybgalayaan gobalada oo dhan iyo dowlad gobaleedyada aanan ahayn kuwa Xamar jooga oo kaliya, waxaana rajeynayaan dhawaan wasiirada Dastuurka ee dowlad gobaleedyada iyo maamullada KMG aan iyagana sidaas oo kale shir ugu qabanno magaalada Muqdisho, waxaas oo dhan waxay tahay sidii aan u wada tashan lahayn inta aysan howlahaasi billaaban Dastuurka iyo qaabka uu mari lahaa maadaama umadda oo dhan u ka dhaxeeyo, mana u maleeyo in wax dhibaato ah ay ka imaanayso”

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aminsan in Dastuurkaan uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan wadamo reer Galbeed ah, qarashaadna ku bixiya in uu meel maro una shaqeeyo, sidaa darteed ayaan hor dhignay su’aal arrintaan ku saabsan.

“Dastuurkaan inay Soomaali leedahay markii wasaaradaan la ii dhiibay Lix bil kahor ayaan waxaan wada fariisannay guddiga madaxa banaan ee Dastuurka iyo guddiga la socodka baarlamaanka, waxaan wada qorannay heshiis is afgarad oo ah qaabka Dastuurka loo sameynayo, markii aan heshiiskaasi sameynayan waxaan isla garanay in Dastuurka lagu qoro Afka Soomaaliga, waad la socotaa Dastuurka 2012-ka waxaa lagu qoray Afka Ingiriiska, taasi oo ka timid dhibaato badan oo ah in ajaanibta ay faragelin badan ku sameeyeen, Dastuurkaan inuu noqdo mid Soomaalida u gaar tahay ayaan ku heshiinnay inuu noqdo mid Afka Soomaaliga lagu qoro, mar hadii Afka lagu qorayana cid soo fara gelinaysa malahan, qubarada ka shaqeynaysana waxay noqonayaan kuwo Soomaaliyeed, waxaan umadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in xukuumad ahaan ay naga go’an tahay in Dastuurkaan uu noqdo mid Soomaaliyeed oo Soomaali hogaaminaysa, walibana afkeena lagu qorayo si hooyo walba Aabe walba iyo qof wlaba oo Soomaaliyeed ula socdo” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaan sidoo kale weydiinnay rajada ay ka qabaan in howsha Dastuurka oo dhan lagu soo gabagabeeyo waqtiga u haray iyo in kale.

“Waxbaa lagu qaban karaa waqtiga noo haray, anaga Dastuurka oo dhan ma qoreyno isaga oo qoran ayuu yaalaa, waxa laga hadlayo waa qodobqada Farsamada u baahan, qaarkood iska horimaanaya ama qaarkood cidlada ku jira, iyo qodobada aan kuu sheegay ee horay looga tagin, laguna dhameytirin Dastuurkii hore, una baahan in laga wada xaajoodo dowlad gobaleedyada, Maamullada KMG iyo shacabka intiisa kale, hadii ilaahay idmo oo si wanaagsan loo shaqeeyo sida qorshaha aan soo bandhignay loo wada istaago waxaan qabaa in la dhameytiri karo, waxa weeye waa dib u eegis ee ma ahan mid la qorayo oo laga soo billaabayo meel kore, waana lagu dhameyn karaa waqtigeeda”

Mararka qaar waxaa jirta muranno dhanka Dastuurka ah, qof walbana dhankiisa uu u fasirto sidaa darteed wasiir marka aad arimahasi maqasho maxaad dareentaa ayeeynu wasiirka Dastuurka weydiinnay.

“Waa waxyaabaha loo yiri dib u eegis halagu sameeyo Dastuurka, waxyaabaha aan rabno in la saxo oo la kala xaqiijiyo aana loo sixin oo kaliya yaa raba ama yaa loo eexanayaan balse ay ka wada qeybgalaan umadda Soomaaliyeed oo dhan, shacabka ayaa leh Dastuurkaan anagane waxaan nahay adeegayaashii iyo ilaaliyaashii Dastuurkaasi iyo sidii uu ushaqeyn lahaa oo naloo igmaday howshaasi inaan u dhameystirno, wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaan shaqo kuma lihin inaan dastuurka wax ka qorno, laakiin waa inaan isku daba ridnaa aan fududeynaa, aan xaqiijinna inay dadka oo dhan ka wada qeybgaleen oo umadda oo dhan u mid yihiin,marka waxa la qorayo waa taladii bulshada iyo hadalkii shacabka ka yimaada, taas ayaana xaqiijineynaa” ayuu yiri wasiirka Dastuurka.

Bishii May waxaa xilka gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iska casishay Caasho Geelle, iyada oo sheegtay in caqabdo ay jiraan, waxaa wasiirka la weydiiyay in la xaliyay caqabadahaasi iyo in kale.

“Mar hadii aan ku iri guddigii madaxa banaanaa waa uu wada idil yahay, walaashey Caasho oo shaqo wanaagsan qabaneysay aan isla shaqeynay Laba Bil, markii ay is casishay ka dib booskeeda waan buuxinnay, baarlamaanka iyo wasiirada wey ansixiyeen, maanta guddiga madaxa banaan isaga oo isku duuban magaalada Xamar ayuu ku sugan yahay waxaana uu diyaar la yahay isaga oo la shaqeynayo guddiga la socodka baarlamaanka in ay howshooda dardar geliyaan, shacabkana u xaqiijiyaan inay diyaar la yihiin hoshooda inay qabtaan, waxaana ku leeyahay wax walba waxa ay noqon doonaan wax cad oo umadda Soomaaliyeed horyaalla, iyagana lagala tashto”

Wasiirka ayaa ugu sheegay in la tagi doono meel walba oo dalka ah, si loo helo bulsho wada fahamsan Dastuurka ogaatana sida wax loo wado, shacabkana ay qaab walba ku fahamsiin doonaan.

“Waxaan kuu sheegayaa annaga meel aan la tageynin malahan, waxaan ka wadaa waxaa jiro bulshada rayidka ah, waxaa jira warbaahin sida websityada xitaa dadka dibadda ku nool, waxaan ka wadaa umadda meel walba oo ay joogto, qorshaha aan sameynnay ayaa ah qaab ay uga qeyb qaataan, qaarkood ruwaayado, gabayo, Telfishanada, warbaahinta oo dhan loo marinayo, kuwo siminaarro degmooyinka lagu qabanayo qeyb walababa si ayaa loo gaarsiin doonaa, shacabka oo dhan qeybihiisa kala duwan wey ka qeyb qaadan doonaan”

Ugu dambeyn Wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa ugu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay is aaminaan gacmahana is qabsadaan shakina aanay ka qaadin howlaha Dastuurka.

“Annaga waxaan ballan qaadeynaa inuusan shaki jirin oo wax walba soo hordhigno, marka inta shacabka aan ka soo hordhigeyno barnaamijkeena waxaan ka codsaneynaa inay gacan nagu siiyaan, anagane waxaan ballan qaadeynaa in codkooda la dhageysto, meel walba oo ay joogaanna laga qeybgaliyo arrimaha Dastuurka, iyagana inta ka horeysa waxaan rajeyneynaa in ay aaminaad buuxda muujiyaan oo Dastuurkooda qeyb muhiim ah ka qaataan, tallooyinkooda iyo fikirkooda ka dhiibtaan, aniga oo og shacabka meel walba oo ay joogaan inay gacan ka geysan doonaan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Wareysi Qaade:- Axmed Weli Xuseen

W/Q:- Maxamed Abukar Kulmiye

Leave a Reply