logo

Sawirro: Daacish oo bur burisay macbad taariikhi ah oo ku yaalay Palmyra

Kooxda Daacish oo ka talisa qeybo badan oo kamid ah dalka Siiriya ayaa bur burisay macbad taariikhi ahaa oo lagu magacaabi jiray Baalshamin, kaa oo ku yaalay magaalada Palmyra ee Dalka Siiriya.

Magaalaa Palmyra ee Dalka Siiriya ayaa kooxda Daacish waxa ay la wareegeen bishii May ee sanadkan, waxaana magaaladaasi ku yaalay macbadyo iyo dhismooin kale oo taariikhi ahaa oo mudo sanado badan halkaasi ku yaalay.

Madaxa aathaartii hore ee dalka Suuriya Ma’muun Cabdulkariim, ayaa sheegay in Kooxda Islaamiga ee Daacish ay bur buriyeen macbadka Baalshamin , waxa uuna intaa raaciyay in kooxda ay qaraxyo xoogan ku bur burisay macbadkaasi taariikhiga ahaa.

Bishii la soo dhaafay ayaa Kooxda Dowladda Islaamiga ah waxa ay soo bandhigtay sawirro muujinaya dagaalyahanadooda oo burburinaya waxa ay ku tilmaameen waxyaabo qadiimi ah oo laga bililiqaystay magaalada Palmyra.

Magaalada Palmyra ee Dalka Siiriya ayaa caan ku ah goobaha taariikhiga ah ee Giriigga iyo Romaniyiinta, Macbadkan haatan la burburiyay ayaa waxaa la dhisay 2000 oo sano ka hor.








 

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply