logo

Shalay Badda,Maanta Webiga:DF oo Ethiopia iyo Kenya ku wareejisay Biyo Xireenki Gedo.!

Waxay ahayd sanadkii 1980, markii dowladdii hore aay ku soo saartay FAAFIN RASMI AH L. 4 & Law #7 r 2 ee 25 feb. 1980,  mashruucii Biyo Xireenka Baardheere (Bardheere Dam Project).

Mashruucaas oo la dhameeyay daraasaadkii lagu sameeyay, waxaa maalgeliyay Bankiga Adduunka (World Bank). Heshiiska mashruucan ayaa waxaa kala saxiixday wasiirkii Qorsheynta Axmed Xabiib Axmed iyo Bankiga Adduunka. Mashruucan oo loo qoondeeyay in ay ku baxdo adduun dhan (lix boqol oo milyuun oo dollar – $600,000,000) kaa soo bilowday dhismihiisa Bishii Maarso 1986,  Waxaa loo sameeyay wasaarad gaar ah oo lagu magacaabi jiray Wasaaradda Dooxada Jubba, oo uu wasiir ka ahaa Mudana Axmed Xabiib Axmed, nasiib darro intii uu socday dhismihiisa ayaa waxaa bilowday dagaalkii sokeeya oo markaa keenay in uu baaba’o mashruucii biyo xireenka Baardheere.

Mashruucan oo ay Dowladda Ethiopia aad u diidaneyd, ayaa noqday mid howlgalkiisa uu bilowdo iyadoo ay iska kaashanayaan Somaliya iyo Bankiga Adduunka. Mashruucan ayaa waxaa buug ka qoray, qoraaga lagu magacaabo Salman M. A. Salman. (The Baardheere Dam & Water Infrustature Project in Somalia – Ethiopia’s Objection and the World Bank Response) Buuggan ayaa si aad ah uga faalloonaya diidmada aay Itoobiya diidaneyd inuu hirgalo mashruucan, iyagoo markaa u arkeyay in Soomaaliya in ay sii xogeysaneyso dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan.

Haddaba Gobolada.com, oo inta badan kashifta xogta iyo sirta ku saabsan qiyaanada ka dhanka ah qaranka, ayaa heshay documents-ka heshiis ay Bishii May ee sanadka 2015 ay ku kala saxiixdeen IGAD, Ethiopia iyo Kenya oo faraha loo geliyay mashruucii Qaranka ee Biyo Xireenka Baardheere urur Goboleedka IGAD.  Waxaa heshiiska ku xusan in mashruuca ay maalgelin doonaan Afican Development Bank (AdB), mashruucana ay wada lee yihiin waddamada Ethiopia, Kenya iyo Somalia.  Waxaa xusid mudan, oo wax aad looga naxo ah in dhammaan seddex iyo tobanka (13) qubaro ee mashruucan u magacaaban inay howl wadeenno ka noqdaan aanay ku jiran hal shaqsi oo Soomaali ah, haddana mashruucu yahay mid dalka Somalia laga fulinayo. Waxaa kale oo qorshaha qeyb ka ah in mashruuca laga beddelay magaca, si Soomaalida aysan u kicin marka ay ka war-helaan.

Gobolada.com oo la xiriirtay ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,  ayaa waxa ay ogaatay in mashruucan uu Dowladda Soomaaliya wakiil uga yahay Wasiirka Qorsheyta iyo iskaashiga Caalamiga ah.

Waxaa marag ma doonta ah in sababaha ugu weyn ee ciidamada Dowladda Ethiopia ay u joogaan gobolka Gedo, una bedeshay maamulkii Gobolka Gedo iyo Guddoomiyihii Degmada Baardheere ay qeyb ka tahay mashruucan lagu xalaaleysanayo kheyraadkii Soomaaliya. Mashruucan ayaa waxa uu sidoo kale iftiiminayaa sababaha ay Kenya iyo Itoobiya uga far majoojisteen dowladda Soomaaliya maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Koofur Galbeed. Maamulada Jubba iyou Koofur Galbeed ayaanan ka amar qaadan dowladda Soomaaliya, waxayna si toos ah uga amar qaataan xukuumadda Addis Ababa.

Waxaa ay ahayd bishan Ogosto 20, 2015 markii socdaal uu magaalada Baardheere ku tagay Wasiirka Gaashaandhigaa Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, halkaasoo uu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee hadda gacanta ku haya magaalada Baardheere. Waa in la helaa dowlad Soomaaliyeed iyo ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh ilaalinta xuduudaha waddanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, balse, waxaa hubaal ah inta ay joogaan geyiga Soomaaliyeed ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya, in ay adkaan doonto in la jebiyo kooxda Al-Shabaab. Waayo waxaa ay dhallin yarada ku dagaal geliyaan in lagu jihaado ciidamada Itoobiya iyo Kenya.

diini ethiopia calan

Waxaa uu ahaa wasiirkii Qorsheynta ee Dowladdi Ku meel gaarka ahayd ninkii saxiixay heshiiska muranka badan keenay ee Badda Somalia, kaas oo hadda dacwadda la xiriirta ee Badda Soomaaliya ay hortaallo maxkamadda caalimaga ah ee Hague.

Waa ayaan darro mar walbo oo golaha wasiirada Soomaaliya uu madax ka noqdo (Ra’iisul Wasaare) Cumar Cabdirashiid in uu ku sifoobo in uu Soomaaliya gabal gabal u iibiyo. Gobolada.com oo la xiriirtay xafiiska R/W Soomaaliya, ayaa ka gaabsaday in ay wax tafaasiil ah ka bixiyaan heshiiskan, mid ka mid ah howl wadeenada Xafiiska Madaxweynaha oo aan isagana kula xiriirna war sidaha emailka ayaa isna noo sheegay in aanay waxba ka ogeyn heshiiskan IGAD ee Mashruuca Biyo Xireenka Baardheere.

Haddaba, waxaa looga fadhiyaa golaha baarlabaanka Soomaaliya inay arrintan hor keenaan wasiirka qorsheynta su’aalana laga weydiiyo mashruucan, waayo ma aha wax loo dulqaadan karo in Soomaaliya gebi ahaanba qeyraadkeeda shilimaad lagu iibsado.

IGAD_WBScreen Shot 2015-08-28 at 7.16.37 PM

Waa Qiyaano qaran, waxaana Baarlabaanka JFS looga fadhiyaa in ay jawaabo deg-deg ah ka bixiyaan waajibaadkoodana gutaan iyagoo la xisaabtamayo xukuumadda iyo wasiirada ay quseyso mashruucan, inta aay goori goor tahay. (MAXAA HARAY MARBA HADDII KHEYRAADKII BADDA IYO BERIGABA GACANTEENA UU KA BAXAY).

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply