Djibouti oo dadka Soomaalida lagu karantiilo hiil walaal+kaneeco, Arrin yaab igu noqotay

Abaalka iyo walaalnimada ku saleysan wada dhalashada dhiigga iyo midibka, ka sokow Somaalida marna ma hilmaami doonaan walaalahooda Jabuuti ee dhibaatada la qeybsaday mudadii nidaam la’aanta iyo dowlad la’aanta ka jirtay dalkeena, waxayna muujiyeen dareenka walaalnimo, iyagoo ka damqanaya marxaladihii kala duwanaa ee nasoo maray.

Dowladda Jabuuti waxay Soomaaliya usoo direen ciidamo loogu magac daray “Hiil Walaal” kuwaasi oo ka howlgala gobolka Hiiraan si ay ula dagaalamaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, una caawiyaan Soomaalida gobolkaasi ku dhaqan.

Waxay maal iyo maskax Dowladda Jabuuti iyo shacabkeeda ku bixiyeen sidii Soomaaliya dhibaatadaasi ugu bixi laheyd, lugaheedana isugu taagi laheyd mar kale, iyadoo xusuusaneysa abaalkii walaalnimo ee Soomaaliya u gashay ka hor xornimadii iyo kadib-ba markii ay ka midoobeen gumeystihii Faransiiska, oo weli awoodiisa ay ka muuqado dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti, tallow make war hayaa dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ay kala kulmaan garoonka
Madaxweynaha Jabuuti, tallow make war hayaa dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ay kala kulmaan garoonka

Ujeedada qoraalkeyga marka aan usoo laabto, waxaan safar shaqo u tegay gobolka Geeska Afrika oo Jabuuti ay ka mid tahay, anigoo ka hor u duulideydii Afrika dal ku-gal-ka Jabuuti u doontay Safaaradda ay ku leedahay Brussells. Halkaasoo runtii aan kala kulmin soo dhoweyn aan kala kulmi jiray Safaaradda Itoobiya ee isla Brussels ku taal, taasoo igu noqotay filan waa iyo uur ku taallo.Dadka Jabuuti iyo madaxdoodaba, waxay mar walba sheegaan in aysan gudi karin abaalkii ay walaalahooda Soomaaliyeed u galeen, Soomaali oo awoodeedii soo ceshadana ay la mid tahay Jabuuti oo dhinac walba awoodeedii xoogeysatay. sidaasi si la mid ahna shacabka Soomaaliyeed marna ma hilmaami doonaan dadaalada ay Jabuuti ugu jirto Soomaaliya in ay noqota Sooomaaliyadii hore.

Mid ka mid ah shaqaalaha Safaaradda oo isku key sheegay inuu kasoo jeedo qowmiyada Cafarta ayaa sheeko nagu dhex martay qolka lagu sugo qaabilaada dal ku gal doonayaasha, wuxuuna si xushmo daro iyo xishood la’aan warkiisa uu ku bilaabay in Soomaalida ay yihiin dad dalkooda burburiyay, wadaniyiin aheyn, qabiilka ku dheer yahay, qof walbana inuu wax noqda doonaya, intaas wuxuu iigu sii deray hadaan la iska ilaalin in ay qaribayaan meesha ay tagaan oo nidaamka iyo sharciga aysan jecleyn.

Tan aan la sii yaabay ee uu ii sheegay ayaa aheyd in Soomaalida Fiisaha Safaaradda ka qaadanaya ay yihiin kuwo aan u diyaarsaneyn in ay foomka buuxinta fiisaha sameystaan, taasoo macnaheeda ah in aysan waxba aqoon, isla markaana wuxuu ii raaciyay in qof walba oo fiiso doon ah, qalin wadan oo ay doonayaan in loo buuxiyo.

Waxaan jawaab gaaban aniga iyo saaxiibkii ila socday ku siinay, maadama foomka ku qornaa kaliya luuqada Faransiiska, qof walba aysan aqoon ama inta badan Soomaalida luuqada Faransiiska, maadaama luuqada koowaad ee caalamka la isla garto lagu qoro English, waxaan kaloo usii raacinay in dal walba luuqadiisa koowaad ay muhiim tahay in lagu muujiyo foomamka xafiisyada dowladda. waxaan kaloo saaxiibkeey ugu sii deray in hadii qof Soomaali ah laga caawiyo luuqada Faransiiska ee Jabuuti looga hadlo micnaha ay ku jaban tahay, Soomaalidana ay dhan walba ka dhisan yihiin, waxaase uu yax yax ka qaaday markii saaxiibkey uu eray Ingiriisi ah ku weydiiyay wuuxu uu ku doodayay, halkaasoo dood dheer nagu dhex martay, balse muhiimada doodaasi aysan habooneyn inaan halkan kusoo gudbiyo.

Dood dheer kadib, waxaa guda galay ujeedadeydii aheyd inaan qaato Fiisaha, hase ahaatee si fudud leyguma siin sida safaaradda Itoobiya ay dhowr mar iigu siisay aniga iyo Soomaalida kale, waxay shuruud iiga dhigeen casuumaad iyo hotelkii aan degi lahaa, balse markii aan buuxiyay dhamaa shuruudahaasi ayaa waxaa mid ka mid ah shaqaalihii documentiga iga qabtay iga codsaday inaan Seddax saacadood kadib usoo laabto si loo hubiyo casuumada aan ka helay Jabuuti iyo hotelkii aan degi lahaa, waana ka aqbalay, waqtigii markii la gaarayna alaabteydii iyo fiisihii ayaan lasoo tegay.

Cali Muxiyaddiin oo dhibaatada lagu haayo Soomaalida kusoo arkay garoonka Jabuuti
Cali Muxiyaddiin oo dhibaatada lagu haayo Soomaalida kusoo arkay garoonka Jabuuti

Waxaan gaaray garoonka diyaaraha Jabuuti ee Amudi, waa markii iigu horeysay ee gudaha u galo, fikradii aan ka haystay mid ka gedisan ayaa kala kulmay, waa garoon aad u yar marka loo eego garoonka Muqdisho hadda iyo ka horba intaa casriyeynta lagu sameyn, dadka kasoo degay diyaaradda waxay u adkeysan kari waayeen qaarkood heer kulka oo aad u kacsanaa, qeybta laga gelayo iyo laga baxaya intuba ma lahan qaboojiye marka laga reebo qeybta sugida diyaaradaha oo marwaxado ka shaqeynayaan iyo qalab yar oo u muuqaal eg qaboojjiye balse kaafin karin dadka safraya.

Markii aan safkii aan ku jiray la yimid ayaa iska xaadiriyay (Airport immigration) qeybta socdaalka oo uu fadhiyay askari boolis ah, dhowr su’aallood oo uu i weydiiyay kadib, waxaan u sheegay in aan u socdo Jabuuti, wuxuuse igu wargeliyay in la ii dhameynayo howsheyda balse dhinac ugu baxo dadka safka ku jira, meel gees ah ayuu iga codsaday inaan istaago ilaa safka uu ka dhamaanayo.

Mudo saacad ah markii aan taagnaa meel dhinac ah, aniga iyo tiro kale oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku socday wado sharci ah, waxaana codsanay in naloo sheego sababta dadka kale ee ajaaniibta nalooga soocay, oo la inoogu diidan yahay inaan galno gudaha magaalada, hase ahaatee askarigii booliska ee fadhiyay qeybta laga baxo ayaa wuxuu noo sheegay in aan sugno Taliyaha ciidamada garoonka ilaa uu ka yimaadana aan cid Soomaali ah oo la fasaxi karo aysan jirin

Mudo labo saac ah oo cid nala hadasha aysan jirin, ayaa waxaa soo caga dhigatay diyaaradda Ethiopian Airlines oo siday dad kala duwan oo u badnaa Itoobiyaan, kuwaasi oo si sharaf leh loogu dhuftay baasabooradooda inay galaan gudaha, waxaana dad aan aniga ka mid ahaa is weydiinay sida loo qiimeeyay muwaadiniinta Itoobiyaanka ee Soomaalida loo karantiilay, waxaana si gaar ah u sheekeysanay mid ka ah shaqaalihii garoonka oo ii sheegay in marka ay soo degeyso diyaaradda Air France———— gebi ahaanba la joojiyo howlaha garoonka ilaa ay kasoo degaan rakaabka iyo inta ay ka baxeyso, wuxuu intaa ii sii raaciyay in howlaha garoonka ay ku xeran yihiin Taliyaha booliska haysta garoonka oo magaciisa uu iigu sheegay Ilyaas, ilaa uu ka yimaadana ay arinteena xalismi doonin.

Seddax saac markaan isku jacdadnay oo kuleylka iyo kaneecada isla socda u dul qaadan weynay ayaa waxaa yimid Taliyaha oo muuqaal ahaan ahaa nin aad u jab yar oo madax xiiran, markii dadkii Soomaaliyeed loo sheegay in Taliyihii yimid ayaa qof walba wuxuu bilaabay inuu u cararo Taliyaha si howshiisa loogu dhameeyo, waxayna arinta kusoo biyo shubatay is jiid jiid dheer kadib in qofkii dan weyn ka laheyn ee doonaya in hal habeen ama laba habeen seexanayo gudaha magaalada uusan bannaanka u bixi karin, gudaha garoonkana ku sugo diyaaraddii ka qaadi laheyd ilaa laga gaaro mudadiisa hadeysan ka badneyn labo maalin, halka dadkii kale ee danaha kale u socday lagu xeray in ay keenaan garoonka qof wakiil ka ah, kadibna loo fasaxi doono gudaha magaalada.

Waxaa iyadana barbar socday arrimahaasi is-faham lala yeelanayay Taliyaha garoonka si howsha qof walba loogu fududeeyo, laakiin intii kale ee hal maalin ama laba maalin safarkiisa ku qaadan lahaa gudaha magaalada, loo dhaadhiciyay qeyb sare oo garoonka ah, waxaana nasiib u yeeshay inaan dadkaasi ka mid noqdo, dadaal badan oo aan u galo inaan gudaha magaalada galana uu mira dhali waayay maadaama aan ku socday sifo sharci ah.

Waxaa ley soo dhaadhiciyay sida qof maxbuus ah qeybta sare ee Transitka, anigoo leyga qaaday Baasaboorkii aan ku safrayay, waxaana qeybta sare ugu tegay tiro Soomaali ah oo gaareysay 15 qof oo dhamaantood ku socday sharci, haystayna fiisaha dal ku galka Jabuuti, loona diiday in ay galaan gudaha magaalada, waxaana qaarkood ay ku sugnaayeen in ka badan 24 saac, dadkaasi oo u kala safrayay wadamada Yurub, Mareykanka iyo Carabta, qaarkood waxay ku xanuunsadeen kululka daran ee gudaha garoonka, una sii dheer tahay kaneeco fara badan oo qeybaha bannaan ee jirka kaa cuneyso, mana awoodid inaad qaawisid qeybaha caadiga ah ee jirka.

Ugu daneyntii habeenkii markii aan halkaasi ku baryay aniga iyo koox kale oo safar dheer soo gashay waxaa subaxdii xigtay mid walba uu horay usii waday safarkiisa, anigase waxaan mudo 20 maalmood kadib kusoo laabtay Jabuuti si aan uga soo gudbo wadankii aan ka tegay ee Holland, waxaana mar kale ley diiday inaan galo magaalada maadaama diyaaradii aan ku qornaa maalinta xigta imaaneysay, habeen kale ayaana garoonkii seexday, subaxdii xigtay markii la gaaray safarkeyga, ayaa ley sheegay in Taliyaha garoonka muhiim tahay inuu i arko, taliyihii ayaa is aragnay anigoo caro badan qaba, awoodeydase kama badneyn inaan ka hadlo dhibaatadii aan ku arkay Jabuuti iyo karintiilka Soomaalida lagu haayo, wuxuuse hadal gaaban igu yiri.

“Amnigeena hadaanu ilaalsan cid noo ilaalineyso ma jirto” hadalkaasi oo aan u gartay in Soomaalida dhan noqdeen Argagixiso iyo qarxiso, wuxuuna ii sii raaciyay in Soomaalida haddaan la iska ilaalin ay ku dhibaateynayaan, hadalkeygiina waxaan kusoo gabagabeeyay Taliye Soomaalida iyadaa maanta meeshaasi is dhigtay, mana fileyn in Jabuuti sidaan noo karantiisho , dadka kale ee Itoobiyaan iyo Yemaniyiinta si xormo ay ku jirto loogu soo dhoweeyo garoonka, ugana baxaan, hadalkaasi oo uusan jecleysan Taliyaha ayaa waxay dib u dhigtay inuu ka hadlo ujeedadii uu ii wacay, wuxuuna u yeeray mid ka mid ah askartii booliska ee aan meesha isku baranay si aan isku fahamno, is-fahamkuna uu ahaa mid maalin ku jooga Taliyaha meel ku saaro, laakiin aysan jirin sabab aan ku bixiyo, qof walba oo Soomaaliyeedna arintaasi loo bandhigo. Halkaasina aan isku macsalaameyno iyagoo hoos ka guuxaya.

Hiil Walaal

Waxaa isweydiin mudan dhibaatadaasi intaasi la eg ee Soomaalida kala kulmaan garoonka Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, tallow maka war hayaa mise waa ka dhega la yahay, haddii fariintaani ay gaarto ee uusan u war hayn wax haka qabto.

W/Q: Cali Muxiyaddiin Cali

Muxiyaddiin@hotmail.com

Leave a Reply

WARARKII