logo

Madaxweyne Xasan, Oo Sidii Mooshinka Uga Badbaado Lahaa Lacago Weydiistey Imaaraadka iyo Ciidamada Somaliya Oo Uu Ku Badashey Lacagahaasi.

Jariidada The Star ee kasoo baxda dalka Kenya ayaa qortay in Diplomasi Soomaali ah uu ku eedeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu u ogolaaday Dowladda Imaaradka Carabta tababaro ay siinayaan ciidamo Soomaali ah si ay ugu biiraan dagaalka ka socda dalka Yemen ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

 

Jariidada ayaa sheegtay in Diplomasigaasi Soomaliga ah uu diiday magaciisa in saxaafada loo adeegsado waxana uu shaaca ka qaaday inuu go’aansaday in Nairobi uu yimaado sidaasi uu qadiyaadasi ugu sheego saxaafada dalka Kenya waxana uu tilmaamay inuu u baqay naftiisa.

 

Waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in caalamka uu u sheegi dooni waxa dhacaya oo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay gudaha somaliya ay kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab halka ciidamada Soomalidana loogu daabulayo dagaalka Yemen.

 

Diplomasigaasi ayaa kula hadlay saxaafada hotel ku yaala magaalada Nairobi waxana uu kashifay in ay jiraan in kabadan 500-askari oo tababaro qaadanaya kuwaasi oo ay dowladda Imaaradka u diyaarinayso dagaalka magaalada Cadan.

 

Waxa uu xusay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu talaabadaasi u qaaday si uu Imaaradka uga helo maalgalin uu uga hortagayo mooshinka iyo dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah ee mudanayaasha Baarlamaanka Soomaliya ay ka wadaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Diplomasigaasi ayaa su’aal iska waydiiyay sababta ciidamo Soomaali ah loogu diraayo Yemen si ay uga dagalaman iyadoo wadciga amni uu yahay mid aad u adag wali sida hadalka uu u dhigay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horaantii todobaadkani waxana uu booqasho rasmi uu ku tagay magaalada Abu Dubai waxana uu kula kulmay dhaxal sugaha wadankaasi Maxamed Bin Zayid waxyaabaha laga hadlay waxa kamid ahaa xiriirka labada dal ee dhinacyada amaanka iyo Militeriga iyo bagoodinta dowladda Imaaradka tababarida ay siso ciidaamada Booliska Soomaaliya iyo ilaalo kale oo ay si gaar ah dowladda Imaaradka ugu tababarato in ay xarumahoodi Soomaaliya u ilaaliyaan,Xarakad Al-shabaab ayaa Imaaradka Carabta ku eedeysay in ay taagerto Xukuumada ay dagaalka kula jirto.

 

Safiirka Imaaradka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusman Al-Xamadi ayaa bishii June ka badbaaday isku day dil oo la damacsanaa in lagu khaarijiyo waxana mas’uuliyadeeda sheegatay Xarakada Al-shabab.

 

Indha indheeyaasha caalamka ayaa sheegay in ay si hoose ula socon doona waxa hadda soo baxay.Qubaro kale ayaa sheegay in dowladda Imaaradka Carabta ay dooneyso in ciidamada Soomaalida uga faaideysato qibrada ay u leeyihiin dagaalka magaalooyinka iyo kuwa xaafadaha.

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply