logo

Fiidmeerta Oo La Sheegay In Ay Kuu Qaban Karto Adeeg Ku Bixi lahaa Lacag Gaareysa 1 Bilyan Oo Doolar.

Xayawaanka loo yaqaano kibiliga ama fiidmeerta ayaa la sheegayaa in adeeg lagu qiyaasay inuu ku kacayo 1 Bilyan oo doollar ay sannad kasta ka qabtaan dunida oo dhan.

 

Waxay gacan ka gaystaan in la xakameeyo cayayaanka miraha beeraha baabi’iya, sida ay daraasad sheegtay.

 

Saynisyahanno ayaa sameeyey tijaabooyin lagu qiimaynayo muhimmadda xagga dhaqaalaha iyo degaanka ay u leedahay xayawaankaas naasleyda ah ee habeenkii qaraabta, iyagoo cuna cayayaanka beeraha.

 

Dunida oo dhan marka si guud loo eego, tirada kibillaga ayaa waxaa haysta cadaadis loo aanaynayo deegaanka ay ku nool yihiin iyo cudurro fara ba’an ku haya.

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply