logo

Siyaasiga’ Baadiyoow Oo Ka Shifay Sababihii Ka Dambeysay In Jawaari Uu Laalo Mooshinka Madaxweyne Xasan sheekh Laga Keenay.

Waxaa Horay Guddoonka Baarlamaanka Somaliya Uu Sheegay In Uu Go’aan Ka Gaaray Mooshinka Laga Soo Gudbiyay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Kaasi Oo Ay Keeneyn Xildhibaano Gaaraya 93 Xildhibaan, Ayaa Arintaasi Waxaa Ka Hadlay Siyaasiga C/Raxmaan Macalin C/Laahi (Baadiyoow) Oo Sheegay Go’aankaasi Inuusan Gaarin Kaliya Guddoomiye Jawaari.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Waxa Uu Sheegay In Lagu Qasbay Go’aankaasi Oo Uu Yahay Mid Ka Yimid Dhanka Madaxweynaha Somaliya, Isaga Oo Sheegay Guddoomiye Jawaari Inuusan Qaadan Laheyn Go’aanka Noocaasi Ah.

 

Siyaasiga C/Raxmaan Baadiyoow Waxa Uu Sheegay Ujeedada Ka Dambeysay In La Laalo Mooshinka Inay Tahay Madaxweynaha Somaliya Inuu Tago Shirka Qaramada Midoobay Isaga Oo Aanan Wax Mooshin Ah Ka Oolin Baarlamaanka.

 

In Jawaari Markaa Mooshinkii Muddo Dheer Haystay Kuna Heshiiyay Xildhibaanadii Keenay In Laga Wada Hadlo, Iyadoo Xaalka Halkaasi Uu Maraayo In Jawaari Uu Dhaho Anigaa Maxkamad Ah Oo Mooshinka Go’aan Ka Gaaraayo, Waxaan U Aragnaa Guddoonka Baarlamaanka In Culeys Lagu Saaray Arintaasi Oo Madaxweynaha Somaliya Uu Ka Dambeeyo, Isagoo Raba Madaxweynaha In Shirka Qaramada Midoobay Uu Tago Isaga Oo Mooshinka Laga Laalay.” Ayuu Yiri C/Raxmaan Baadiyoow

 

Xildhibaanada Mooshinka Ka Keenay Madaxweynaha Ayaa Diiday Go’aanka Ka Soo Baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

 

7-Da Bisha October Ayaa Loo Madalsan Yahay In Laga Wada Hadlo Arimaha Mooshinka Oo Ay Isku Soo Hor Fariistaan Xildhibaanada Mooshinka Keenay Iyo Dhanka Madaxweynaha.

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply