logo

Facebook Oo Sheegtey In Satellite Ay Sameyn Doonto 2016.

Shirkada Facebook ayaa waxaa ay sheegtey inay sameeneyso  barnaamijkeedii ugu horeeyay oo internet sattellite ah loogu samaynayo qaarada  Afrika.

 

facebook ayaa sheegtay in la shaqaynayso shirkadda Faransiiska ee Eutelsat,si loo diro  satellite sanadka danbe ee soo socda, kaasi oo internet  gaarsiin doona dadka degan meelaha fog ee Afrika.

 

Qoraal uu qoray madaxa Facebook Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in AMOS-6 satellite la dhisayo uuna joogi doono wadamada Afrika korkeeda, wuxuuna dabooli doonaa qaybo badan oo Afrika.

 

Facebook ayaa sheegay inay ku leeyihiin labaatan milyan oo macaamiil Nigeria iyo Kenya, iyadoo dadka badankood ay isticmaalayaan taleefoonada mobileka.

 

Shabakada facebook-ga ayaa caanka ka ah aduunka oo dhan iyadoo meelo badan laga isticmaalo aaladaasi waxaana jira dalal faro kutiris ah oo laga mamnuucay facebook sida dalka shiinaha oo kale balse madaxweynaheeda oo si qarsoodi ah u isticmaalo

 

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply