Ciyaaryahan Caan Ah Oo Hooyadiis Ku Geeriyootey Xajka.

Ciyaaryahanka Dhinaca Weerarka Kaga Ciyaara Kooxda Stoke City Oo Ka Dhisan Heerka 1-Aad Ee Horyaalka Ingiriiska,  Hooyadii Dhashay Ayaa Waxay Ku Dhimatay Isbuurashadii Ka Dhacday Xajka.

 

Ciyaaryahankan Oo Ka Tirsan Xulka Kubadda Cagta Ee Senegal, Ayaa Waxaa Looga Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Hooyadii, 24-Kii Bishii September.

 

Maamulka Iyo Ciyaartoyda Kooxda Stoke City, Ayaa Waxay Xidigan Kaga Tacsiyadeeyen Geerida Ku Timid Hooyadii, Waxa Uuna Maamulku Ballanqaaday In Uu U Fidin Doono Taageero Kastaa, Oo Uu Doonaayay, Inta Uu Ku Guda Jiro Xilliga Adag.

 

Sacuudiga, Ayaa Sheegay In 769 Xujey Ah Ay Ku Dhimatay Shilka Ka Dhacay Wadada Mina Oo 5km U Jirta Magaalada Makka, Waxaana Jira Boqolaal Xujey Ah Oo Nolol Iyo Geeri Aan Midna Lagu Hayn.

Leave a Reply

WARARKII