Duqeymo Ay Geesteen Diyaarada Yahuuda Oo Marinka Gaza Ku Dilay Haweeney Uur Laheyd Iyo Cunug Yar Ay Dhashey.

Diyaaradaha Yahuuda Israa’iil Ayaa Duqeeymo Waxaa Ay Ka Geesteen Marinka Gaza Ee Dhulka Reer Falastiin Waxaana Duqeymahaasi Ay Sababeen Khasaarodhimasho Ah.

 

Duqeymaha Israa’iil Ay Ka Geesatey Marinka Gaza Ayaa Waxaa Ku Dhigtey Haweeney Uur Laheyd Iyo Cunug Yar Oo Ay Dhashey Iyadoona Arintaasi Ay Xiisada Kale Ay Kusii Abuurtey Falastiiniyiinta,

 

Yahuuda Oo Sheegtey In Duqeyntaasi Ay Ugu Jawaab Celineyso  Weerar Gantaalo Oo Jimcihii Aynu Soo Dhaafney  Lagu Qaadey Israa’iiliyiinta Waxaana Ay Sheegeen In Duqeyntooda Ay Labeegsadeen Labo Meel Oo Hubka Xamaas Lagu Keydiyo.

 

Ra’iisul Wasaarahayahuuda Benjamin Netanyahu, Ayaa Isna Amar Ku Bixiyay In Boqolaal Ciidamada Israa’iil Ay Kormeeraan Marinka Gaza Isagoona Sheegay In Ciidamadaasi Ay Soo Celinayaan Amniga Qudus Sida Uu Sheegay

 

Mareekanka Oo Garabsiya Yahuuda Ayaa Ku Baaqey In Lajoojiyo Qalalaasaha Ka Taagan Marinka Gaza Iyadoo Labada Hogaamiye  Cabaas Iyo Netanyahu Oo Qadka Talefanka Kula Hdlay Kery Uu Sheegay Inay Ka Walaacsanyihiin Xiisada Sii Kordheysa

 

Leave a Reply