Wasiiro Xilal Culus Ka Haaye Maamulka Somaliland Oo Xilkii Iska Casilay.

Waxaa Maanta Xilka Iska Casilay Ku Dhawaad 10 Wasiir Oo Ka Tirsan Xukumadda Maamulka Soomaalilada Waxaana Ku Jira Wasiirro Xilal Waaweyn Ka Haayey Xukumadda Maamulka Soomaaliland.

 

Waxaana Kamid Ah Wasiiradda,Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Shaqadda Cabdi Awdaahir Cali,Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirkii Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare,Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, Wasiir Xigeen Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir Ka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid,Wasiirkii Hawlaha Guud Cabdirisaaq Cali Khaliif Iyo  Wasiir Xigeenka Deegaanka,Wasiir Ku Xigeenkii Ganacsiga Ayaa Shaaciyay Inay Iska Casileen Xilalka Ay  Soomaaliland  U Hayeen.

 

Is Casilaadan Ayaa Sababatay Kadib Markii Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo La Sheegay Inuu Habeen Kii Xalay Ahaa Si Rasmi Ah U Taageeray Musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi,Waxaana La Sheegay In Madaxweyne Siilaanyo Cadaadis Ku Saaray Wasiiraddiisa Inay Taageeraan Musharax Muuse Biixi Cabdi, Maadaama Ay Wasiirada Iyo Masuuliyiinta Xukumadda Barkood Raacsan Yihiin Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Leave a Reply