Silaanyo, Oo Amar Adag Dul Dhigay Wasiiradii Xilka Iska Casilay Ee Katirsanaa Maamulkiisa.

Iyadoo Shalay Ay Xilka Iska Casileen Wasiiro Gaaraya Kudhawaad Ilaa 10 Wasiir Kuwaasi Oo Xil Cul Culus Ka Haaye Xukuumada Maamulka Somaliland Ayaa Hadana Amar Kasoo Baxey Madaxweynaha Maamulkaasi Somaliland Lagu Sheegay In Wasiiradaasi Aysan Xafiisyadooda Tagi Karin Ilaa Amar Admbe.

 

War Saxaafadeed Laga Soo Saaray  Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Waxaa Lagu Amray In Wasiiradii Shalay Ku Dhawaaqay Iscasilaadooda In Aysan Tagi Karin Xafiisyadooda.

 

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, Axmed Siilaanyo, Ayaa Amar Ku Siiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliland C/Llaahi Fadal Iimaan In Wasiirada Xilka Iska Casilay Aysan Tagi Karin Xafiisyadooda Ilaa Ay Xilka Wareejiyaan.

 

Arrintaan Ayaa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Uu U Arkaa Mid Uu Uga Hortagayo Wax Isdaba Marin Ay Sameeyaan Wasiirada 10-Ka Ku Dhaw Ee Iska Casilay Dowladiisa.

 

Is Casilaada Wasiirada Maamulka Somaliland Ayaa Waxaa Layaab Ay Ku Noqotey Dadka Degan Degaanada Ay Maamulkaasi Ka Aramiyaan Iyadoo Arinta Layaabka Badan Ay Tahay In Wasiirada Is Casilay Ay Ahaayen Kuwo Ay Si Aad Ah Isugu Dhawaayen Axmed Siilaanyo.

 

Wasiirada Xilka Iska Casilay Maalintii Shalay Aheyd Ayaa Waxaa Ay Gaarayaan Kudhawaad Ilaa 10 Wasiir Oo Ka Carooday Hadalka Siilaanyo Uu Kutaageeray In Uu Xilka Isku Soo Sharixi Karo Muuse Biixi Cabdi, Kuwaasi Oo Xil Culus Ay Kahayeen Maamulkaasi Waxaana Kamid Ah Wasiiradaasi Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Shaqadda Cabdi Awdaahir Cali,Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirkii Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare,Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, Wasiir Xigeen Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir Ka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid,Wasiirkii Hawlaha Guud Cabdirisaaq Cali Khaliif Iyo  Wasiir Xigeenka Deegaanka,

Leave a Reply

WARARKII