Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Uu Soo Dhaweenayo Wasiiradii Xilka Iska Casilay Ee Maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ucid Ee Maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe  Ayaa Sheegay In Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Xisbiga Kulmiye Uu Fursad U Yahay Xisbiyada Kale Ee Mucaaridka Ah Ee Kajira Magaalada Hargeysa.

 

Waraabe, Ayaa  Waxaa Uu Sheegay In Iyaga Ka Ucid Ahaan Ay Soo Dhaweynayaan Ragga Ka Soo Goosaanaya Xisbiga Kulmiye Ee Hada Talada Haya In Ay Ku Soo Biiraan Xisbigooda.

 

Faysal Cali Waraabe Oo Hadalkiisa Sii Wataayaa Waxaa Uu Sheegay  In 2008dii Uu Xisbigaasi Bur Bur Ku Sigtay Islamarkaana Midda Hadda Taagan Ay U Egtahaymid Aysan Ka Soo Kabsan Karin Khilaafka Ka Dhextaagan Owgeed.

 

Waraabe Ayaa Intaa Ku Daray In Kulmiye Hadda Ay U Dhimantahay Sanad Iyo Bar Kadibna La Aadayo Doorashada Madaxtinimo Ee Maamulka Somaliland.

 

Maamulka Hada Talada Haya Ee Kulmiye Ayaa Wasiiro Katirsanaa Maamulkaasi Ay Ka Caroodeen Hadal Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Siilaanyo, Uu Ku Taageeray Musharaxnimada Muuse Biixi Oo Keentey In Ay Xilka Iska Casilaan.

Leave a Reply