Madaxweynaha Somaliland, Oo Xalay Saqdii Dhexe Magacaabey Gudi Baara Khilaafka Xisbiga Kulmiye.

Taageeridii  Madaxweyne Siilaanyo Uu Ku Taageeray  Musharaha Madaxtinimi Ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi, Ayaa Waxaa Ka Dhashey Khilaaf Xoogan Oo Hareeyay Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Waxaana Waasiro Badan Oo Katirsanaa Xukuumada Iminka Talada Haysa Ee Somaliland Ay Iska Casileen Xilalkii Ay Hayeen Taasi Oo Keentey Kadib Markii Muuse Biixi Lagu Tageeray In Uu Yahay Musharax.

 

Khilaafkaasi Soo Kala Dhexgalay Xisbiga Kulmiye Ayaa Siyaasiyiin Katirsan Somaliland Ay Ku Sheegeen Inuu Yahay Kii Ugu Darnaa Ee Soo Kala Dhex Gala Xisbiga Kulmiye Ee Hada Talada Haya Iyadoona Madaxweyne Siilaanyo Uu Xalay Soo Saarey Gudi Raadiya Waxyaabihii Sababey Khilaafkaasi.

 

Madaxweyne Siilaanyo Guddiga Uu Magacaabay Xalay Goor Danbe Waxay Ka Kooban Yihiin Shan Xubnood Oo Kala Ah ; Xeer Ilaaliyaha Guud , Wasiirka Gaashaandhigga , Guddoomiyaha Guddiga Maamul Wanaagga , Gugdoomiyaha Akaadheemiyada Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland , Iyo Agaasimaha Maamulka Ee Guddiga La Dagaallanka Hiv Aids.

 

Siilaanyo Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Gudigani Si Madax Bannaan U Soo Hubiyo In Uu Wax Khalad Ahi Ku Jiraan Liisaska Xubnaha Golaha Dhexe Iyo Qaabka Loo Diiwaangeliyay.

 

Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Ayaa Waxaa Ugu Harsan Talada Mudo Halsano Ah Iyadoo Markaasi Kadib halkaasi Ay Kadhici Doonto Doorasho Ay U Tartamayaan Xisbiyada Maamulka Somaliland .

Leave a Reply

WARARKII