logo

DHAGAYSO:- Idaacada Asal oo u dabaal degtay sanad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii La Aas-aasay.

12387838_557714724385595_1979678532_nIdaacadda Radio Asal oo ka mid ah idaacadaha FM-ka Xarunteeda Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/hoose ayaa u dabaal degtay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay oo ku beegneed 12-kii December 2015 bishan aynu ku jirno.

Qeybaha kala duwan Dhageestayaasha Idaacadda Radio Asal oo ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa oo ka qeyb qaatay Barnaamij gaar ah oo lagu maamuusayay Sanad guuradii Labaad ee Idaacadaasi ayaa cabiray dareenkooda ku aadan sida ay ugu faraxsan yihiin ka qeyb galka munaasabadda sanad guuradii labaad ee idaacada Radio Asal.

Maamulka iyo Shaqaalaha ayay ku amaaneen howsha adag ay muujinayaan waqtigan adag, waliba iyadoo idaacada muddo laba sano ah ay hawada ku jirto saameen ku yeelatay bulshada ku nool gobolka Sh/hoose iyo waliba qaar badan oo dalka dibadiisa ku nool gaar ahaan dalka Norwey oo barta Internetka si toos ah uga dhageesta wararka iyo barnaamijyada ka baxa idaacadaasi.

Wariye Bile Mohamed Abdi oo ka mid ah Suxufiiyinta ku dhaqan dalka Norwey ayaa ku booriyey Maamulka iyo howlwadeenada idaacadaasi inay kordhiyaan dadaalkooda, xili uu ka qeyb galay barnaamij uu si toos ah u waday Wakiil wareedka Radio Asal Magaalada Oslo ee Dalka Norwey Wariye Salaad Xuseen Maxamuud (Salaad Daacad).

Warbixinta oo dhameestiran halkan hoose ka dhageeso.

  • Fikirkaaga ka dhiibo
  • Leave a Reply