C/laahi Cali Cumar iyo Xamdi Jaamac Ducaale Oo Arooskoodu ka dhacay Magaalada Bergen ee Dalka Norwey.

P1020296 Dhammaan Ehelada iyo Asxaabta aan magacyadooda hoos ku xusnay waxay Tahniyad Aroos Farxad leh halkaan u marinayaan  Arooska iyo Aroosadda lamaanaha is Doortay C/laahi Cali Cumar (C/laahi Fani) iyo Marwadiisa Qaaliga ah Xamdi Jaamac Ducaale oo Aqal galkoodu ka dhacay Magaalada Bergen ee Dalka Norwey.

Hooyo Nadiifo C/laahi Saalax, Aabe Aadan Hirad, C/Kariin Muuse Ciise, C/qani Shuceyb, Ridwaan Abdi Cayser, Khadra Baashe, Farxiyo Maxamuud Haaji Faarax, Faa’iso Maxamuud Xaaji Faarax, Safiyo Xaaji Faarax, Hooyo Aamino Maxamed Abdi, Aabe Cali Cumar Macoow, Xaawo Cali Cumar, Ilyaas Cali Cumar, Maxamed Cali Cumar, Raxma Cabdulaahi, Raaxo Cali Cadde, Samiiro Xuseen Cumar, Hani Cali Cumar, Xuriyo Muuse Jiilaal, Cadarey Muuse Jiilaal, Xoriyo Maxamed Cabdi.

Dhammaan dadkaasi oo isku wada duuban waxay leeyihiin labadani Qof ee is calmaday inuu Ilaahay kala siiyo Wiil iyo Caano, Gabar iyo Caano, waxayna Ilaahay uga rajaynayaan inay noqdaan Reerkii lagu riyaaqo ee ubad khayr qaba iyo Aayatiin wanaagsan ku dhamaysta… Aamiin Alaahuma Aamiin.

Ugu danbeentii waxaan si wada jir ah u leenahay.

Haddaan reer la wada dhisin.

Jacayl laba is raad sanin.

Raxmada meesha taal iyo

Farxad lama riyaaqeen.

Labadii isku raagta.

Aamiin…Aamiin.

Labadii isku reeysa.

Aamiin…Aamiin.

Laba aan kala raagin.

Aamiin….Aamiin.

Isku Roonaato ahaada.

Isku sii raagto ahaada.

Leave a Reply