Dawlada Kenya Oo Arin Lagu Farxo Ka Sameysay Gobolka Gedo (SAWIRRO)

Dawlada Kenya Oo Arin Lagu Farxo Ka Sameysay Gobolka Gedo (SAWIRRO)

Taageero raadin ayey dadka qaar ku sheegeen Arinta ay Kenya ka sameysay Gobolka Gedo Ee Koonfurta Soomaaliya Saacado ka hor.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa Deegaanada Abaarta ay ka jirto Gobolka Gedo waxay ka sameeyeen Biyo Dhaamin ay dadka Booyado Biyo ugu geeyeen.

Tani ayaa ah mid ay bini’aadanimada uga hormartay Kenya marka la eego Dawlada Federaalka Soomaaliya oo weli deeq iyo agab dadka lagu bad baadinayo aan geynin Gedo.

Labada Dal ayaa xurguf xoog leh ay ka dhex jirtaa iyadoo berri ay tahay Xilligii la dhageysan lahaa kiiska Dacwada Badda ay hore Kenya Muranka ugelisey.

Waa lagu amaanay Dedaalka Biyo dhaaminta ay Kenya ka sameysay Gobolka Gedo Ee Soomaaliya iyadoo Baaqii Bulshada abaartu saameysay aysan weli ka jawaabin Dawlada Federaalka inkastoo dhawaan la rajeenayo in gurmad loo diro.

NEWS UPDATE