Man United Oo War Fiican Ka Heshay 5 Xiddig Oo Kooxdeeda Ah Ka Hor Kulanka Ac Milan.

Man United Oo War Fiican Ka Heshay 5 Xiddig Oo Kooxdeeda Ah Ka Hor Kulanka Ac Milan.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in uu dib u helo 5 xiddig oo kooxdiisa ka maqnaa kulanka Ac Milan ee khamiista.

Red Devils ayaa booqan doonta Ac Milan kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka Europa League kulan ka dhici doona garoonka San ASiro.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa filaya in uu dib u helo xiddigo muhiim ah oo 5 ah kuwaas oo dhaawac uga maqnaa kulamadii ugu dambeeyay kooxdiisa.

Xiddigaha David de Gea, Paul Pogba, Edinson Cavani, Donny van de Beek & Anthony Martial ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan kooxda.

“Waxa aan rajaynaynaa in ay dhamaan 5-tooduba so noqdaan”ayuu Solskjaer yidhi.

“Xiddigaha David de Gea, Donny van de Beek, Edinson Cavani, Paul Pogba & Anthony Martial ayaan filayaa in ay taam noqdaan”.

“Sidaas darteed koox adag ayaan ula safri doonaa Italy”

OPINION