Wednesday, January 19, 2022
Home Wararka Guddiga doorashada heer federal oo sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan habka...

Guddiga doorashada heer federal oo sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan habka loo maray

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) – Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaritaanno ku sameynayaan habka loo maray doorashada kursiga golaha shacabka ee tirsiigu yahay 103, oo la ogyahay inuu dacwad kasoo gudbiyay guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari

Guddoomiyaha guddiga doorashada, Maxamed Xasan Cirro, oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa weriyayaasha u sheegay in kursigaas la hakiyay, si go’aan looga gaaro in la marsiiyay habraacii loogu talo galay.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan dadka uu kursigaan quseeyo dhammaantood, isagoo tilmaamay in ay eegidoonaan sida loo maareeyay kursiga iyo habka doorashadiisu u dhacday.

Guddiga doorashada Koonfur galbeed oo qabtay doorashada kursigan todobaadkan horraantiisii, ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada heer federal in ay faro galin ku sameynayaan waajibaadkooda shaqo.

Guddigan ayaa ku andacooday musharrax aan iyaga cabasho usoo gudbin in aanay u hakindoonin doorashada, waana sababta u qabteen doorashada kursigan 103, xilli guddiga doorashadu uu amray in la hakiyo.

Raysal wasaare Rooble ayaa culays xooggan ku saaray guddiga doorashada inuu guddiyada doorashada heer dowlad goboleed kala xisaabtamo in ay ku dhaqmaan habraaca doorashada, si loo ilaaliyo hufnaanta doorashada.

RELATED ARTICLES

Ciyaaryahan Xasaasi “ Wasiir Duraan Faarax Ayaa Door Weyn Ku Lahaa In Aan Ku Biiro Kooxda Kubbadda Cagta Gaadiidka

Laacibka ugu wanaagsan kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Cabdi Nuur “Xasaasi” ayuu ku biiray kooxda Kubbadda cagta Gadiidka, waxaana heshiiska laacibkan lagu soo bandhigay garoonka Stadium Muqdisho, waxaana...

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Baledweyne

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa dalalka Jabuuti iyo Itobiya ee qeybta ka ah Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa howlgalo...

Guddiga doorashada heer federal oo sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan habka loo maray

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaritaanno ku sameynayaan habka loo maray doorashada kursiga golaha...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Ciyaaryahan Xasaasi “ Wasiir Duraan Faarax Ayaa Door Weyn Ku Lahaa In Aan Ku Biiro Kooxda Kubbadda Cagta Gaadiidka

Laacibka ugu wanaagsan kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Cabdi Nuur “Xasaasi” ayuu ku biiray kooxda Kubbadda cagta Gadiidka, waxaana heshiiska laacibkan lagu soo bandhigay garoonka Stadium Muqdisho, waxaana...

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Baledweyne

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa dalalka Jabuuti iyo Itobiya ee qeybta ka ah Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa howlgalo...

Guddiga doorashada heer federal oo sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan habka loo maray

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaritaanno ku sameynayaan habka loo maray doorashada kursiga golaha...

Eminem – Stronger Than I Was

We woke reasonably late following the feast and free flowing wine the night before. After gathering ourselves and our packs, we...

Recent Comments