Daawo Sida Looga Ciiday Maanta Deegaanka Daarusalaam Ee Magaalada Muqdisho

WARARKA

Kumanaan dadweyna ah oo isugu jira caruur iyo ciroole ayaa saaka waabarigii ku kalahay deegaanka dalxiiska ee Daaru salaam kuwaasoo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo dadka dagan deegaan ayaa isugu tagay masalaha weyn ee loo diyaariyay inay ku oogaan salaada ciidul fidriga islamarkaana ay ku dalxiisaan beerta ugu weyn muqfisho ee daaru salaam.

Markii ay soo idlaatay salaadii ciida ayaa dad aad ufara badan waxa ay u jiheesteen beerta dalxiiska ee Daarusalaam oo lagu diyaariyay dhamaan agabka lagu ciyaarsiiyo caruurta iyo goobo dalxiisayaasha indhahooda soo jiidasho u leh.

Deegaanka Daarusalaam ayaa ah deegaanka ugu bilicda wanaagsan degmooyinka Caasimadda Muqdisho, iyadoo sanadihii ugu dambeeyayna ay aad u dhismeysay.

Maamulka Beerta Daarusalaam ayaa sanadkaan kusoo kordhiyay agabyo kala duwan kuwaasoo loogu tala galay inay dadka ku damaashaadaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.