Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou ku garaacday kooxda Mallorca

0
40

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku garaacday kooxda Mallorca, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 25-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Memphis Depay, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Jordi Alba.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

54 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Sergio Busquets.

Daqiiqadii 79-aad kooxda Mallorca ayaa dhalisay gool, kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 2-1 laacibkooda Raillo, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Salva Sevilla

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Mallorca oo marti ugu ahayd Camp Nou, Barca oo kaalinta labaad kaga jirta kala sareynta horyaalka Spain ayaa heysata 66 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here