Pep Guardiola oo aqbalay inuu heshiis cusub u saxiixo Manchester City & Ciyaaryahanka ku qasbay oo la ogaaday

0
22

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa aqbalay heshiis horudhac ah oo uu kusii joogi doono garoonka Etihad Stadium illaa sanadka 2025 sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska.

Guardiola ayaa kusii dhowaanaya dhammaadka qandaraaskiisa Man City iyadoo ay haatan ka harsan tahay 14 bilood, balse sida laga soo xigtay wargeyska The Sun, hoggaamiyaha reer Spain ayaa aqbalay inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa taasoo kusoo beegmeysa markii uu Jurgen Klopp heshiis cusub la galay naadiga Liverpool xilli ay labadooda ku xafiiltamayaan horyaalka Premier League.

Si walba ha ahaatee, waxaa la aaminsan yahay inuu Macallin Pep ku qancinayo maamulka Citizens inuu lasii joogo si ay u dardar geliyaan soo xero gelinta weeraryahanka naadiga Borussia Dortmund ee Erlin Haaland.

Saxaafadda dalka England ayaa bishii lasoo dhaafay ee April qortay inuu laacibka reer Norway aqbalay heshiis ay usoo bandhigtay Man City kaasoo uu toddobaadkii ku qaadanayo mushahar dhan 500 kun oo gini, balse xiddigan ayaa doonaya inuu hubiyo mustaqbalka macallinka Man City taasoo ku kaliftay Guardiola inuu heshiis cusub la galo kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League.

Bundesliga: Haaland's future is in the balance: He met with Bayern Munich |  Marca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here