Sheekh Aadan Madoobe Oo La Kulmay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida

WARARKA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la kulmay taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

Shirkan oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka ayaa waxa uu guddoomiyaha golaha shacabka u sheegay taliyaasha ciidamada qalabka sida uga digey inay ku milmaan siyaasada dalka

“Amniga doorashada waxaa looga amar qaadanayaa Guddoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.”ayuu u sheegay Sheekh AadanMadoobe saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee uu guddoomiyaha golaha shacabka la yeesho saraakiisha ciidamada waxaana ka qeyb galay taliyaha ciidamada booliska General Xijaar oo uu dhawaan shaqo joojin ku sameeyay wasiirka amniga iyo xildhibaan Yaasiin Farey oo aan weli wareejin xilka taliyaha ciidamad nabad sugida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.