Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xalay qaabilay musharrax madaxweyne Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo xalay booqasho ugu Tagay gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya .
Guddoomiyaha ayaa hambalyada ka guddoomay musharrax Madaxweyne Cabdinuur, waxaana ay isla soo qaadeen dedejinta doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya .
Musharax Madaxweyne Dr Cabdinuur sheikh Maxamed ayaa ah Siyaasi ahna Aqoon yahan Aragti Fog leh islamarkaana wax ka badeli kara Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya Haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha Soomaaliya .