Qaramada Midoobay ayaa war ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday weerarkii Al Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhigga ciidamada Burundi ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf.
“QM waxay si adag u garab taagan tahay ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya oo dadaal ugu jira sidii ay u hagaajin lahaayeen amniga Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay UNSOM Soomaaliya.
Al-Shabaab oo shalay war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kaddib ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku heynta guud ahaan saldhigga ATMis ee degaanka Ceelbarafoo ku yaala gobolka shabeelaha Dhexe.