Xildhibaanada labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho kulan ku yeelanaya

WARARKA

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in xildhibaannada laba gole ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ay ku yeeshaan kulan ay uga arrinsanayaan habraaca doorashada madaxtinimada iyo waqti la qabanaayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya .

Ajandaha kulanka looga arrinsanayo ayaa ah doorashada xubnaha Guddiga isku dhafka labada Aqal Baarlamaanka 11-aad ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 1-0aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay farriin qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook ee Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay la kulmay mas’uuliyiinta ammaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan kala guurka ah ay amniga doorashada isaga uga amar qaadanayaan, dhanka kalana uga digay in aanay ku milmin arrimaha siyaasadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.