Xildhibaanada laga soo doortay Garbhaareey oo xaadiray Xaruunta Golaha shacabka .

0
14

Xilibaanada laga soo doortay Degmada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo ayaa Maanta iska xaadiriyay xarunta baarlamaanka.

Kulankii hore ee baarlamaanka ayaa waxa ka soo qayb galay xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey taasi oo buuq ka dhex abuurtay xarunta baarlamaanka.

Muran xoogan ayaa weli ka tagan doorashooyinka khilaafka hareeyay ee ka dhacday gobolka Gedo gaar ahaan magaalooyinka Ceelwaq iyo Garbahaarey.

Ilaa hadda lama oga in xildhibaanada Ceelwaaq ay iyagana soo xaadiri doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here