Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ciidamo Itoobiyaan ah weerar qaraxyo ah lagula eegtay wadada Xiriirisa degmooyinka Luuqa iyo Duulow ee gobolka Gedo
Wararka ayaa intaa ku daraya Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada la la weerary ee Itoobya iyo Al-Shabaab.
Ciidamada la weeraray ee qaraxyada lala beegsaday ayaa ka yimid dhanka dalka Itoobiya,waxayna ku soo jeedeen degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Goob joogayaal ayaa gobolada.com u sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, kadib qaraxyadaasi oo ay xigeen howlgallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa dawlada Federaalka Soomaaliya
Al-Shabaab oo mas’uuliyada weerarkaan sheegatay shaacisay in qaraxa koowaad uu haleelay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ee ay wateen ciidanka Itoobiya, halka midka labaadna uu ku qarxay ciidamo lugeynayey, sida ay ku baahisay baraha ee Internet-ka.
Ma sheegin Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaasi iyo weerarka tooska ah ee xigay, sidoo kalena ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Ciidanka Itoobiya iyo kuwa dawlada Federaalka eek u sugan gobolka Gedo.