Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay israsaaseeyn dhexmartay Ciidamo ka Tirsan Militariga Soomaaliya

WARARKA

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay israsaaseeyn maanta ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, taas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa israsaaseeynta ku dhintay 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay.

Warar ay heshay gobolada.com ayaa sheegaya in askarta geeriyootay iyo kuwa dhaawaca ah ee diriray a yihiin kuwo Ehel ah oo isku dhow, gaar ahaan walaalo ilmo adeero.

Weerarka ayaa bilowday kadib muran iyo is qab qabsi ka dhashay guri uu mid ka mid ah askarta dagaalantay uu ka dhistay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xaalada ayaa haatan degan iyadoo meydadka 2labda Askari iyo dhaawaca laga qaaday halkii ay ku dagaalameen ee degmada wadajir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.