Wasiir Dubbe oo Magaalada Adis Ababa kula kulmay wasiirka ganacsiga ee Itoobiya

0
39

Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaliya  Cismaan Abokar Dubbe ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo xiriirka gobolka ee Dowladda Federaalka Itoobiya

Masโ€™uuliyiinta ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya.

โ€œ Maanta waxa qado sharaf igu soo dhoweeyey Wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Isku xidhka Gobolka Geeska Afrika ee Dowladda Federaalka Ethiopia Dr Xassan Macalin. Wasiirka waxa aanu ka wada hadalnay danaha labada dal iyo labada shacab ee horumarka iyo xoojinta is-kaashiga. Dr Hassan Moallim ayuu yiri wasiir Dubbe.

โ€œsidoo kale waa Xildhibaan heer Federaal ah oo laga soo doorto Jarar iyo Dhagaxbuur, waxaanu kamid yahay xildhibaanada ugu codka badan Baarlamaanka Ethiopia.

 Kulanka waxa igu wehelinayey Safiirkeena inoo fadhiya Ethiopia Ambassador Gen. Cabdullahi Ahmed Jaamac Ilka-jiir iyo saraakiil kale oo ka tirsan safaaraddeenaโ€ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiir Cismaan Abokar Duubbeaba  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here