Xogyaha guud ee Qaramada midoovay oo cambaareyay weerarki Alshabaab ay ku qaadeeen Ceelbaraf

WARARKA

“Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” Sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud Stéphane Dujarric.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya. Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.