Madaxweynaha Jubland oo soo gaaray magaalada Muqduisho+ Sawiro

0
57

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Jubland waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Cabdi Maxamed Abdirahmaan xubno ka tirsan labada gole ee Dowlada Federaalka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Jubland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo dadweyne kala duwan.

Socdaalka uu maanta magaalada muqdisho uu ku soo gaaray madaxweynaha Jubland Axmed madoobe ayaa ku soo aadaya Xili Magaalada Muqdisho ay ka socota ololaha doorashada Xilka madaxweynaha Soomaaliya oo in kabadan 20 musharax ay u taaganyihiin xilkaasi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here