Maraykanka oo yareeyay duqaymaha Dhinaca Cirka ee uu ka geysanayay Soomaaliya

0
24

Waxaa yaraaday duqeymaha dhinaca Cirka ah ย Mareykanka ee ka dhan ka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxa ay keentay in ay yaraato warbixinnada khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya, sida lagu sheegay warbixin cusub.

Warbixintii ugu dambeysay ee khasaaraha dadka rayidka ah uu soo saaray Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in taliska uusan wax warbixin ah soo saarin in ka badan hal sano iyo ka dib weerarkii ugu dambeeyay ee 22-kii bishii February.

โ€œSaddexdii bilood ee u dambeeyay warbixintii qiimaynta khasaaraha rayidka, Taliska Mareykanka ee Afrika ma helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaaraha rayidka, mana jiraan wax qiimayn ah oo furan ama dib u eegis lagu samaynayo hadda,โ€ ayuu talisku ku yidhi bayaan uu soo saaray.

Wararka ayaa sheegaya duqaymihii  dhacay 22-kii bishii February  ee sannadkan, kaasoo ahaa weerar rogaal celis ah oo ka dhan ahaa Alshabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo huwan ah oo ku sugnaa meel fog oo u dhow tuulada Duduble ee gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here