Musharrax Madaxweyne Daahir maxamuud Geele oo qaatay shahaadada Musharraxnimo+ Sawiro

0
48

Musharrax Madaxweyne Dr. Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta qaatay shahaadada musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Mudane Musharaxweyne Daahir Maxamuud Geele ayaa ka mid ah Musharixiinta soo buuxisay sharuudha iyo Habraaca diiwaangelinta musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya

Dr. Daahir Maxamuud Geele ayaa ka mid ah musharrixiinta loo saalinaayo in ay kuu ga gaaraan xilka ugu sareeya dalka ‘ waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa face book ayaa u qornaasidaan:

Waxaa sharaf wayn ii ah in aan maanta dhamaystiray habraaca musharraxnimadayda xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waa maalin noloshayda ku wayn. Waxaan rajaynayaa in ay ka dhalan doonto maalmo taariikhda Soomaaliya ku wayn, laguna soo afmeero fashilka dowladnimo ee muddada dheer soo jiitamayay. Waxaan rajaynayaa in mudanayaasha baarlamaanka ay igu gacansiin doonaan xaqiijinta himiladaas ‘ ayuu yiri Dr Daahir maxamuud Geele.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here