Sheekh Shariif oo noqday Musharixii Ugu horeeyay ee qaata Shahaadada Musharaxnimo ee Xilka Madaxweynaha Soomaaliya + Sawiro.

WARARKA

Murashax Madaxweyne Shiekh Shariif Shiekh Axmed ayaa qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Musharax madaxweyne Sheekh Shariif sheikh Axmed ayaa noqday Musharixii ugu horeeyay ee qaata Shahaadada Musharaxnimo ee Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Sheikh shariif ayaa war kooban uu soo saaray bartiisa Face book u qornaa sidaan:

Waxaan maanta isku diiwaan galiyay si rasmi ah musharraxnimada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan u mahad celinayaa guddiga doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dardar galinaya howsha doorashada.

15 May, 2022 waa maalin taariikhi ah, Baarlaamanka Soomaaliya waxa ay go’aan ka gaarayaan masiirka ummadda, waxaana rajeynaynaa in ay u hiiliyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed kana samata-bixiyaan marxaladdan adag.

Leave a Reply

Your email address will not be published.