Wafdi ka Socda Hay’adda WFP oo Magaalada Baydhabo kula kulmay Mas’uuliyiin ka Tirsan Koofur galbeed

WARARKA

Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Maxamed Nuur Macalin ayaa Maanta Kulan la qaatey Wafdi ay hogaamineyso laura Turner Xariirka Arrimaha Gargaarka Deg Deg ah ee Hay’adda WFP, Waxaana Shirka Qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Diini Cabdi Nuur Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale,Waxaana shirka looga Hadley Xaaladaha Bani’aadanimo ee ka Jira Deeganada koonfur Galbeed iyo sidii dadka Abaartu Saameysay Gargaarka loogu geyn lahaa Deeganadooda, islamarkana loo sameyn lahaa u adkeysi ku Aadan Musiibooyinka iyo Abaaraha ,Hay’adda #WFP ayaa Balan qaadey in ay sii xoojin doonta Gargaarka ay ufidineyso Shacabka Ku Nool Deeganada KGS .

Leave a Reply

Your email address will not be published.