Ex Xildhgibaan Cabdi Barre Jibriil oo ka hadlay qaban qaabada doorashada Madaxweynaha soomaaliya ee ka socota magaalada Muqdisho
Xildhibaan hore Cabdi Bare Jibriil ayaa isaga oo ka hadlay diiwaangelinta iyo shahaadada qaadshada musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha 10aad ee soomaaliya ayaa ka hadlay Hogaamiyaha xilligaan uu dalka & shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin ‘ isaga oo ugu baaqay Xildhibaana labada Gole ee baarlamaanka soomaaliya in ay doortaan Hogaamiye hore loo tijaabiyay waxbadkiisa islamarkaana samata bixinka Dalka iyo Dadka .
“ Mar uu ka hadlayay Farqiga u dhexeya Madaweynaha Muddo xileedkiisa uu dhmmaaday maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh maxamuud hore Madaxweyne dalka uga soo noqday ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay in qaladkiisa garta sidii uu ku sixilahaa balse Xasan Sheekh uu yahay shaqsi aan qaladkiisa loo sheegi Karin”.
Ugu dambeeyn Siyaasi cabdi Barre Jibriil ayaa ka codsaday Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya in ay umadda Soomaaliyeed si wanaagsan Codkooda ugu Adeegaan una dooraan Hogaamiye Wanaagsan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso waraysiga Ex Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil