Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad Xarunta Aqalka sare ka wada Diiwaangelinta Musharaxiinta u tartamay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Xubanaha Guddiga aya shalay Diiwaangeliyay ilaa 10-Musharax kuwaas oo buuxiyay shuruudihii loga baahnaa,waxan lagu wada in manta xarunta ay ka socoto Diiwaangelinta in ay garaan Masharaxiin kale oo taagan qabashada xilka ugu sareeyo Dalka ee Madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya
Murashax Madaxweyne Dr.Saciid Ciise Maxamuud ayaa qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi ayaa sidokele isna qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan ooqaarkood hore Xilal uga soo qabtay dalka .
15 Bishaan ayaa la iclaamiyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.