Ku dhawaad 30 Musharrax Madaxweyne oo isdiiwaangelisay

WARARKA

Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa  shalay si rasmi ah uga bilaatabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xaruunta Gudiga qaban qaabada doorashada waxaa shalay iska -diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo kala ah: Shariif Sheekkh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socota maanta ayada oo illaa hadda ay is-diiwaangeliyeen, Xasan Sheekh Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inay is-diiwaangeliyaan musharaxiin kale, oo uu ka mid yahay madaxweynaha Muddo xileedkiisauu dhamaaday  haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.