Soomaliland oo xukun dil ah ku riday sarkaal Gabadh Shacab ahayd

WARARKA

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Somaliland, kaas oo saddexdii bishaan May toogasho ku dilay marxuumad Najmo Cabdillahi Maykal.

Maxkamadda milatariga Somaliland oo soo soo saartay xukunka ayaa sheegtay in Saalax oo isla-markiiba gacanta lagu dhigay falka kadib lagu helay dambiga lagu soo oogay, waxayna ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaas marxuumada oo ahey gabar dhalinyaro ah.

Halka uu Xukunka  sarkaalkaan ka dhacayay  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kala duwan.

AUN Najmo oo wadatay xilliga la dilayey gaari nooca raaxada ah, ayaa iyadoo mareysa agagaarka maxkamadaha waxaa rasaas ku furay sarkaalkan oo isku dayey inuu baxsado balse gacanta lagu soo dhigay

Leave a Reply

Your email address will not be published.