Xubin ka tirsan Gudiga Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya oo iscasilay

WARARKA

Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Beereey ka mid ahaa Xildhibaanada golaha shacabka ee laga soo doortay Magaalada Jowhar ayaa iska casilay xubinimadii guddiga isku dhafka ah ee qabanaya doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaan beereey ayaa sabab isaga ugaar ah ku sheegay inuu uga tanaasulay xubinimada guddigaasi labada aqal ka kooban ee doorashada madaxweynaha soomaaliya qabanaya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska gudoomiyaha golaha shacabka soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa durba waxa lagu magacaabay badelka booska xubinimadii uu ka tegay Xildhibaan Beereey waxaana loo magacaabay Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Sheekh.

Xildhibaan beereey ayaa ahaa kursiga uu kusoo baxay midkii uu ku fadhin jiray Ex xildhibaan C/qaadir Caraboow Ibraahim,waxaana is casilaada beereey ay kusoo aadeysaa iyadoo ay ololaha doorashada iyo howlaheeda si dar dar leh usocdaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.