Dawlada Federaalka oo ciidamo dheeraad ah u direysa Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

0
40

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlusunna ay dhaqdhaaqyo ciidan ka wadaan degaano hoostaga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Hase โ€˜ahaatee Dadka Degaanka ayaa sheegaya in ay soo wajahday Cabsi la xiriirta in halkaas dagaal uu ku dhexmaro Ciidamada dawlada federaalka iyo kuwa Ahlusunna .

Dawlada federaalka Soomaaliya ayaa qorsheeneysaa in Ciidamo dheeraad ah ay u dirtay Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud kuwaas oo la sheegay in lagu xoojinayo Ciidamadii hore halkaas u joogay

Si kastaba ha โ€˜ahaatee Dawlada Federaalka ayaa doonaya in Askar ay tiradooda gaareeyso 200 oo ka tirsan Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Haramcad ay halkaas ay u direyso saacadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here