Diiwaangelinta musharrixiinta u tartameysa Xilka madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la soo gabagabeynaayo

WARARKA

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya diieaangelinta musharrixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo diwaangelinta soo bilaabay 8-dii Bishaan ayaa diiwaangeliyay ilaa 32 Musharrax, waxaana Maanta la filayaa in la diiwaangeliyo Musharrixiin kale oo doonaya inay u tartamaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Maalinta Berito oo Arbaco ah ayaa waxaa bilaaban doonta khudbadaha ay musharrixiinta u jeedin doonaan Xildhibaannada labada Aqal oo ku kulmi doona doona Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

15-ka Bishaan oo ku beegan Maalinta Axada ah ee soo socota ay qorshuhu yahay hadii aan wax isbedelin in la qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku tartami doona musharrixiin qaarkood horay Madaxweynayaal uga soo noqday Soomaaliya iyo kuwo cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.